BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

LABADA BEELOOD EE GALBEEDKA SOMALILAND: QALINKII GARYAQAAN CABDALE DAHIR ADAN

afukateAfeef  ” waan afeefanayaa eedi ha iga hadhee”
 Kasmo baadhistani waa mid daba-socota, mid hore oo aan qoray, halku dhigeeduna uu ahaa BEESHA DHEXE IYO INTA KALE, waa mid tan iyo habeenkii ay maankayga ku soo dhacday, waxa iga guuxayay halkeed ka bilawdaa, iyo sidee u sigib-tirtaa, aniga oo maanka ku haya, xanafta iyo eedaha ka buuxa, kasmo baadhistan, waayo  waa adagtahay, qof inta uu jilibka u laabtay, yidhi waar horta maxaa ina dhex yaala hadii aan beelaha Somaliland nahay, oo eelka farta galiyay oo inta uu kaga dhiijiyay, yidhi waxan baa ina haya, murti dhaqankeena ku jirid aasatay baa tidhaa, oo goobtan oo kale lagu bilaabo hadalka,        
                                                             
 Dusha milika laga dhayo                       
 Aan boogta loo dagin                               
 Waligaaba duuduub                                                                                   
Dusha ubax ka saar-saar                                                                        
 Dakhar waa halkiisii                    
 Dhabtu waa taas, hadii aan la darsin waxa jira, oo boogta, aynu qarsano, waa dhib inoo taal, waxan dhaba in ay maalin maalmaha ka mida inta ay boogtaasi balaadhato, oo buqbuqdo, la garan waayo, waxa lagu daweeyo, ee bal inta ay inoo noqon lahayd dhib inoo taal, ha noqoto dhib aan furdaaminay, oo aan ka gudubnay.                                                                                                 
Kasmadan waxan ugu talo galay, in aan bal si hufan, oo aan tur-xaan lahayn aan u soo bandhigo, waxa dhex yaal labada beelood ee galbeedka Somaliland, ee ay kala tirsanayaan, iyada oo aan ogahay in wax badan la daweeyay, qaarna wali socdaan, se waxa aan rabaa bal inta aan u arko in ay ka maqan tahay in lagu soo daro, in aan halkan ku soo gudbiyo, iyo sida aan u furdaamin karno, ileen waa seeto qarankeena ku xidhane.                                                                                                            
Inta aan hoos ugu dagin aan afeefta soo xidho, aniga oo ku soo xidhaaya, halka aan ka taaganahay, oo aan mugdi ku jiran, si hufana u daaha uga faydaaya, dareenka dhabtaah, oo ah kaan si dhaba u rumaysanahay, waxan aan kaga dayanayaa, macalinkaygii Abwaan Gaariye, mutida ma guurtada ah ee laga guntay ee uu yidhi                                                                                                  
Abkuu doono ha sheegtee                                                                              
Waxa aanu abb iyo                                                                                 
Abtirsiimo wadaagnaa                                                                                      
Ka si waxa iila arkaaye                                                                                          
Ma midayso ujeedo                                                                                            
 Taas oo dhaba, weeyi ta, mankayga ka guuxaysaa, ee aan hadh iyo habeen u taaganahay, mana aha waxa aan qarsado, nacayb ka aan u hayo Qabyaalada iyo dadka fooxa u shida qabyaalada, waana mid aan waligay u taagnaanayo, kii intaas igu soo raaca uun baan isku hayb iyo hilbaba wadaagnaa.
 Aan intaas ku soo dhaafo afeefta, oo aan hoos ugu soo dago, hugunkan dami-waayay ee wali qiiqaya, halka uu ka shidmaayo, iyo waxa hurinaaya, iyo waxa u diidan in uu damo, si aan qiiqiisan qadhmuun aan uga raysano iyo boogtan hadba sidii likihii soo foodhacaysa.
 Waa dhab in Eebe uu dadka kala hayb iyo hilbaba duwey, se ujeedadu maaha taas, ee waa in aan isku garano oo kaliya, waana sumada lagu soo baadi-sooco qofka, waxa kale oo ay u taagan tahayna ma jiro, halkaasina waa halka ay milgo iyo maamuusba ay ku leedahay, hadii se geerkaas ay haysato laga dhaqaajiyo, waxa loogu tagaaba waa qudhun, kan ka dhaqaajiyay ee ujeedadaas ka leexiyayna waa qabyaalad-walwaal dhab.
 Intaas aan ka soo gudbee, gobolka Awdal waxaa ku wada nool qabaail ka duwan, oo se kala badan, taasi maaha mid la isku xusul-maroojinaayo, badnidaasina maaha mid la isku duudsinaayo, oo gaf iyo sed-bursi lagu qaadanaayo, ee waa mid dhanka samaha iyo is-garabsiga u taagan, mida dhabta ahna waa taas, ee hadii qolo tidhaa anigaa ugu badan oo wax kasta qaadanaaya, maaha mida meesha taal, mana aha mida dadka wada dhashay, isku soo jiidaysa, oo ka talinaysa samaha, iyo waxa wada-wadaaga loo wada dhashay ee wiil iyo abtigii loo wada yahay, murtida somaliyeedna ay gunta ku hayso, taas oo odhanaysa, rag wixii ka dhexeeya miis baa la dhigaa, waana waxa ugu haboon, ee rag waxa wada-lihi ku wada kalsoon yihiin, dhamaantoodana ku wada niyad san yihiin, ee murtidaasi hal-beeg dhaba oo aan waxa ku wadaagno ha inoo noqoto.   Hadaba qodobada ay ka duulayso, kasmo-baadhistani waa.
 1-      Dhibta gobolku halkay dhabarka ku haysaa?
2-      Dhibta ka taagan ceel-bardaale
3-      Sideen Gobolka u wada dhisanaa?
4-      Maxaa dhaba, maxaase geed sare waaba?
 1-    Dhibta gobolku halkay dhabarka k haysaa?
 Waa mid meesha taal, oo qof kasta maankiisa iyo garashadiisa ku soo boodaysa marka g horaysa ee uu arko dhib meel ka aloosan, waan mida g horaysa ee ay ka bilaabmato furdaaminta dhibtu, iyada oo taasi jirto aan qodob qodob u dul is taago bal waxa ay kala tirsanayaan labada beelood ee meesha wada dagaa waa GADABIIRSI iyo CIISE.
1-      Dhib ka taagan wada lahaanshaha dhulka.
Taas oo labada dhinacba isku maan dhaafsan yihiin, taas oo qaraxday doorashadii golaha deegaanka Somaliland ee ka dhacday Dagmada Saylac iyo Lughaya, waxase dhibtu soo bilaabantay malintii Gobolka Salal uu ku dhawaaqay Madaxweyne Dahir riyaale, se intii ka horaysay gobolku waa daganaa, waxa la sheego oo buran oo dhex yaalay labada beeloodna ma jirin.
Waa waxa dhaca oo aan ku cusbayn gayiga Somaliland, in dad daaqsin wadaagi isku hirdiyaan yeelashada dhul, waxa se dhibti sii balaadhataa marka dhibtii si wacan oo ay labada dhinac raali ku wada yihiin lagu soo af-jaro muranka taagan, waana taas ta aan dheernahay bulshooyinka kale ee aan la wadaagno Afrika, oo hore ayay soomaali ugu maahmaahday Gacmo geel-jire hoos baa loo dhaqaa, sida aan ka wada dharagsanahay gartu waa laba.
 1-      Mid sokeeye
 2-      Mid cadaawe
Tan maanta dhex taal labada beelood waa mid sokeeyo, oo wada dhashay, wiil iyo abtigii, iyada oo taas aan ka shidaal qaadanaayo, waa waa in lagu furdaamiyaa sidan.
 1-      In meesha laga saaro Gobolka Salal
2-      In si dhaba loo wada yeesho Gobolka AWDAL
 3-      In meesha laga saaro SIYAASADA oo DHAQAN lagu dhameeyo dhibta
4-      In aan badni la isku muquunin ee TOL WADA DHASHAY WAA KII MIDHO WADAAGA LAGU DHAMEEYO DHIBTA 
 5-      In labada beelood (GADABIIRSI iyo CIISE)   wadaagan gobolka awdal
 6-      In aan la kala sheegan gobolka, si kalsoonidii wadaagu u timaado
 7-      In dibu-heshiisiin dhaba laga qabto gobolka, oo GOLAHA GUURTIDU, hawshaas u kaco, DAWLADA DHEXENA KU TAAGEERTO
 8-      Dhulku waa hanti qaran oo waxa leh DAWLADA, MAAMULKIISANA IYADAA KA MASUULA, bulshadu waxa kaliya oo ay leedahay Manfaciisa iyada oo aan la kala sheeganayn
 9-      In aan la isku muuqan, se laga taliyo DANTA GUUD, magacyadana lagu badalo HIGSI iyo HIRAALKA gobolka
 
1-      Doorashadii Saylac
 Aan dib idibku celiyo taariikh kooban oo ku aadan habka loo kale helay doorashada dagmada saylac, 1960kii Doorashii ka dhacday dagmada waxaa helay CIISE, doorashadaas oo loo tartamaayay BAARLAMAANKA, waxana guud ahaan Gobolka Awdal ka soo baxay 5 XIL-DHIBAAN oo loo kala helay sidan.
 
    Doorashadii baarlamaankii 1960kii Ee Gobolka Awdal
 Magaca Xil-dhibaanka Beesha Dagmada
Sh. Abibakar Sh. Cumar Gadabiirsi (Reer Ugaas) Boorama
Xaaji Ibraahim Nuur Gadabiirsi (Reer Nuur ) Dila
Jaamac Geele Ciise Ciise   (Mamaasan) Saylac
Xaaji Muuse Axmed Shirwac Ciise (Furlabe) Cabdulqaadir
Cabdi Xasan Buuni Xeeb-jire Boon     
 
 

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 08 February 2014 08:05
Thursday, 28 November 2013 05:53
Sunday, 19 January 2014 13:57
Wednesday, 23 October 2013 18:55
Tuesday, 15 April 2014 18:45
Sunday, 29 December 2013 07:50
Thursday, 15 August 2013 18:31
Sunday, 24 November 2013 05:56
Friday, 28 February 2014 10:31
Monday, 12 August 2013 23:24