BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

OTTAWA:Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Ee Xisbiga Ucid Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah Loogu Sameeyay Canada (SAWIRO)

Cabdirashid_ucid

24-12-2013 (BNN) Waxaa Malintii Shalay ahayd (23ka December ) lagu soo dhaweeyay Magaladda  madaxda dalka Canada ee Ottawa, Musharaxa Madaxwayne -ku-xigeenka Xisbiga UCID oo Cabdirashiid Xassan Mataan oo baryahan booqasho ku joogay Waqooyiga Ameerika, Kulankan aad u baladhan oo ka dhacay Hool wayn ku ku yaala badhtamaha Magalada Ottawa, ayaa waxa lagu qabtay xaflad aad loo soo abaabulay, oo lagu soo dhaweenayay Musharaxa Madaxyane-ku -xigeen ee xisbiga Mucaaraddka Ucid. Xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Somaliland ee Magalada Ottawa khaastan tageeraysha Ururka Mucaradka ee UCID iyo waliba marti sharaf kale oo ka soo qab galay Xafladaasi. 

Waxa ugu horayn xafladaasi lagu furan Ayaadaha Quraanka Kariimka. intaasi ka dib waxa hadalay Dr Taani oo ku  dhaweeyay Musharaxa Magaadda Ottawa, waxa uu aad ugu dheeraday kartida iyo wax qabadka Musharaxa hadii la doorto uu wax badan ka qaban karo baahiyaha wadanka yaal , Dr Taani ayaa sidoo kale sheegay in uu Daarfuuf (Sudan) oo uu Dr Taani shaqo u joogay uu  la kulmay dad  ay Musharaxa(Cabdirashiid) soo wada sheeqeey, waxayna  uga warameen kartida iyo aqoonta Maamul ee uu leeyahay Cabdirashiid.''Aad ayaa loo amaanay Cabdirashiid qof kaste oo la kulmo oo ah dadkii aad wada shaqanayseen marka aan idhaahdo Cabdirashiid fadhiga ayay ka kacayeen iyaga oo aad ugu amaanaya wanaaga  aad leedahay Cabdirashiidow" ayuu yidhi Dr Taani. 
Waxa kale sidoo kale ka hadlay Badhasaabkii hore ee Gobolka Awdal Caaqil Xasan Daahir Xaddi(Xasan Ciid) oo isaguna aad igu dheeraday Marxaladihii kala duwanayad ee soo maray Somaliland kana waramay Taariikh kooban oo uu kaga waramayo Dawladihii kala dabeeyay ee soo maray Somaliland.

Waxa kale oo isna kulankaa soo dhawaynta ka hadalay  Afhayeenka Xisbiga Ucid Ee Waqooyiga Ameerika Khadar Guun Oo  aad ugu mahad naqay Jaliyadda reer Ottawa sida ay u soo dhaweeyeen Musharaxa iyada oo waliba lagu jiro xili aad u xun oo baraf iyo dhaxan ka jirto Magaladda Ottawa, waxa uu sido kale ka waramay oo uu waliba si aad u dhaliilay  Xukumada Somaliland ee Xisbiga Kulmiye, kuna tilmaamay inay ay marayso meel aad u daran. oo badbaado u baahan. waxana uu ku dheeraday tacadiyadka Saxaafada iyo waliba sida ba'an ee mar kaste xuquuqdii shacabka ay xukuumadu ugu xad gudbayso.

Intaasi ka dib waxa mikarofoonka lagu soo dhaweeyay Maxamed Cabdilaahi (Shiine) oo waftiga la socday, si uu uga hadlo ama uga waramo  Taariikh nolaleedka Musharaxa Madaxwayne-ku-xigeenka Cabdirashiid Xassan Mataan. waxa ka soo waramay waxbarshadiisa iyo waliba inta dal ee uu Masharxu ka soo shaqeeyay iyo khibaradiisa waayo aragnimo inta ay gaadhsiisantahay. 

Ugu dabaytii waxa si diiran loogu soo dhawayay hadalka Musharax Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, waxana uu hadalkii ku bilaabay mahadnaq iyo Salaan  balaadhan oo uu u soo jeediyay Jaliyadda Somaliland ee Ottawa iyo dhamaan magalooyinkii ee kale ee soo maray intii uu ku sugnaa Waqooyiga Ameerika, Cabdirashiid waxa sidoo kale oo ku dheeraday barnaamijka siyaadeed ee xisbigu UCID uu dalka ku hagi doona hadii la doorto, waxa kale oo aad uga soo waramay Tariikhdii Madaxwaynashii soo maray iy mid waliba uu xusay  waxa lagu xasuusto iyo arimihii ay hirgaliyeen intii ay xukunka hayeen , waxa uu Masharaxu hoosta ka xariiqay in xukuumada  hada talada haysa ee Xibiga Kulmiye  ay tahay tii igu fursada fiicanayd ee soo marta Somaliland, noqotayna tii ugu fadhiidsanayd ugu wax tarka Xumayd, ugu cabudhinta badnayd." wariyashii ugu badnaa ee la xidho waxa la xidhay inta ay Xisbiga Kulmiye uu taladda dalka hayo"ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in uu hada dalku marayo meeshii ugu xumayd ee uu soo maro. waxa una intaasi ku daray inay wakhtigoodii ay ku lumiyeen wadahadlo madhaylaysa oo ay la yeeshaan Somalia. " Somaliland waxay ay ictiraafka ugu dhawayd 3 sano ka hor" ayuu yiri Cabdirashiid. ugu dabayntii waxa goobtaa suaalo lagu waydiyay Musharaxa oo uu uga jawaabay su'aalaahsi . isku soo wada duubo waxa uu kulankaasi ku dhamaaday si aad u qorxoon. 

Abdikarim Abdirahman 
Ottawa Canada  

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 10 November 2013 18:47
Monday, 31 March 2014 01:15
Friday, 15 November 2013 07:56
Friday, 20 December 2013 15:48
Sunday, 02 March 2014 09:18
Friday, 31 January 2014 16:07
Sunday, 09 February 2014 20:13
Wednesday, 05 March 2014 14:18
Sunday, 10 November 2013 00:43
Wednesday, 26 March 2014 15:35