BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Dawlada Somaliya Oo La Dagaalamaysa Kooxaha Been Abuura Waraaqaha Aqoonsiga Shacabka Ugu Baaqday Inay Qaataan Iyo Dadweyne Ka Hadlay DHAGAYSO

tarsan0024-12-2013 (BNN) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duq Muqdisho Mudane Maxamuud  Axmed Nuur “Tarsan” oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay qaadashada Warqadaha Dhallashada Muwaadinimo iyo Kaarka aqoonsiga rasmiga ah, ayaa  waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay  meesha ka baxeen xaruumihii ganacsiga ka dhigtay in macluumadka hey’adaha dowladda ay si been abuur ah u daabacaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Tarsan ayaa sheegay in dambiilayaal ay yihiin ciddii lagu qabto iyadoo si been abuur u sameynaya Ducuments  jiritaankiisa ay dowladda leeyahay, waxaana uu tilmaamay hadda ay jiraan baaritaanno la xiriira in gacanta lagu soo dhigo meelaha howlahaasi  lagu qabto iyo dadka sameeysta intaasi  ka dibna arrintaasi ay ka dhallan doono Ciqaab  adag, balse waxa uu ku taliyey in laga fogaado dhibaatadaasi.
Dhanka Kale waxa uu tilmaamay Guddoomiyaha gobolka Banaadir  in adeegyada lagu qaadanayo warqadda dhallashada la gaarsiin doono guud gobollada dalka Soomaaliya oo dhan  sida  qorshaha uu yahay.
Waa Adeeg caalami ah oo ka jira dhammaan dalallka horumaray in Muwaadinta uu leeyahay aqoonsi caddeynaya jiritaankiisa,  iyadoo hadda ay xi xowli ah ku bilaabatay dur baba qaadashada kaarka aqoonsiga iyo warqadda dhallashada oo haddii aadan helinna aysan suuragal aheyn in baasaboorka Soomaaliga aad  hesho.
Xafiiska Wararkaa Boramanes
Boramanews@Gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 21 August 2013 11:07
Monday, 21 October 2013 07:23
Sunday, 11 August 2013 18:01
Monday, 05 August 2013 19:33
Saturday, 09 November 2013 04:15
Wednesday, 25 December 2013 00:41
Saturday, 01 February 2014 00:47
Saturday, 29 March 2014 08:37
Tuesday, 15 April 2014 13:50
Thursday, 20 February 2014 17:27