BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Ururka Horumarinta Wadooyinka Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Ee Asarda Oo Shaaciya In Wadadii Isku Xidhaysay Boorama Iyo Dilla Ay Dhawaan Soo Afmeerayaan..+SAWIRRO-VIDEO

ASARDA424-12-2013 (BNN) Waxaa si habsimay u socda hawlaha dhamaystirka wadada isku xidhaysa Boorama Iyo Dilla ee ay gacanta ku hayaan hay'ada wadaniga ee reer Awdal Ee ASARDA ,Wadadan oo ah mid halbawla u ah isku xidhka gobolada Galbeedka iyo Caasimada Somaliland ayaa ah mid gabogabo ku dhaw.

Shir jaraa'id oo ay maanta ku qabten mas'uuliyiinta hay'adan ASARDA goobta ay shaqadu ka socotay ayaa waxa ka hadlay Gudoomiye C/laahi Xaaji Ciise, Gudoomiye ku xigeenka Hay'ada Xaaji Ismaaciil Cabdi Riiraash Iyo Mu'min Jaamac oo ka mid ah xubnaha ururka ASARDA Waxa ayna dhamaantood sheegeen in hawlihii wadadan isku xidhaysa Boorama Iyo Dilla ay soo gabogabeeyeen ayna u hadhsan tahay oo qudha wax ka yar Hal Km.
Mas'uuliyiintan ayaa iska daba maray mahadnaq balaadhan oo ay u direen cid walo oo ka qayb qaadatay dhamaystirka wadadan oo ay xukuumada Somaliland ku jirto waxa kale oo ay baaq dheer u direen guud Ahaan shucuubta Somaliland iyo gaar ahaan Qurba Joogta iyo qol-qol jooga ka soo jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland in ay u diyaargaroobaan bilowga wadada wayn ee isku xidhaysa Jabuuti Iyo Boorama oo ay sheegeen in ay Sannadka Cusub wajigeedii hore ay dhagax dhigi doonaan bilaabina doonaan haduu alla idmo.
Dhanka kale waxaa isna halkaas hadal mahadnaq ah ka soo jeediyay Sheekh Maxamed Shiine oo ka mid ah culumada waawayn ee Soomaaliyeed kana soo jeeda Goboladan Galbeedka Somaliland oo ka yimid dalka dibadiisa waxa uuna alle uga baryay cid wala oo ka qayb qaadatay dhismaha wadadan isku xidhaysa Boorama Iyo dilla in alle miisaanka xasanaadka maalinta qiyaamaha ugu darro taas oo uu sheegay in ay tahay sadaqad jaariya ah.
Si kastaba ha ahaatee Hay'adan ASARDA Oo ka mid ah hay'ad Local ah oo ay leeyihiin shacabka Reer Awdal ayaa waxa ay tahay ta qudha ee horumar la taaban karo oo ku dayasho mudan qabatay waxaana ay ku guulaysatay Riyadoodii ahayd "Yes We Can" shucuubta Soomaaliyeedna tusay in wax la qabsan karo iyada oo aan wax laga sugin Hay'ad iyo wax la halmaana."
Cabdicasiis Cabdilaahi
Boramanews/Borama
Boamanews

ASARDA6

ASARDA1ASARDA2ASARDA3ASARDA4ASARDA4ASARDA5

 

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 23 October 2013 02:27
Monday, 14 July 2014 06:27
Tuesday, 24 September 2013 14:06
Sunday, 10 November 2013 21:40
Thursday, 12 June 2014 14:19
Sunday, 06 October 2013 01:42
Monday, 28 October 2013 20:15
Saturday, 12 April 2014 16:38
Monday, 26 August 2013 15:37
Tuesday, 17 December 2013 16:46