BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Dad Soomaali Ah Iyo Dadkale Oo Wadamo Kale U Dhashay Oo Safar Ku Wahelinayay Oo Jidka Loo Galay Laguna Dilay Magaalada Bor Ee Gudaha Dalka Koonfur-Sudan

SOUTH_SUDAN_DHAAWAC24-12.2014 (BNN) Afar Soomaali ah iyo dad kale oo u dhashay dalal kale ayaa lagu dilay magaalada Bor ee dalka Koonfur-Sudan xilli ay doon u saarnaayeen dhanka magaalada Juba ee caasimadda u ah dalkaas.
Koox hubeysan ayaa Arbacadii weerartay doonta oo ay saarnaayeen dad rayid ah oo ay tiradoodu gaaraysay 26 qof, kuwaas oo u kala dhashay Soomaaliya, Itoobiya, Uganda, Sudan, Ghana iyo dalal kale.

Maxamed Duube Caliyow oo ka mid ah 14 qof oo weerarka ka badbaadday ayaa isagoo ku sugan xadka Uganda iyo Koonfur-Sudan  in ay doon ka soo daba-qaadatay koox hubeysan oo mucaarad ah, taas oo rasaas ku furtay doontii ay saarnaayeen.
Shan qof oo Soomaali ah oo doonta saarnayd waxaa ka badbaaday Maxamed oo keliya.
Maxamed ayaa sheegay in kooxda hubeysan ay isagoo dhaawac ah doonta ugu soo galeen oo ay dileen kabtankii, xilligaas oo uu isagana isku dhex qariyay dadkii dhintay.

Weerarka intii uu socday waxaa magaalada Bor duqeysay diyaarad ay dowladda leedahay, taas oo u fududeysay Maxamed iyo dadkii kale inay baxsadaan.
Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews@gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 16 September 2013 08:59
Wednesday, 21 August 2013 02:49
Saturday, 03 May 2014 18:27
Friday, 18 October 2013 14:56
Wednesday, 30 April 2014 06:38
Tuesday, 03 June 2014 14:15
Saturday, 11 January 2014 00:01
Sunday, 06 October 2013 20:23
Wednesday, 12 March 2014 20:35
Wednesday, 07 August 2013 05:32