BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

xaasha e nin libin kaa xasaday xumihii waa yaabe

Cabdoo_AayirErayadaasi waxay ka mid ka mid gabayada caanka ku ah suugaanta soomaalida waxayna hordhac  u yihiin maqaalkaygan oo aan jawaab kaga bixinayo qoraal lagu baahiyey web siteka Boramenews kuna taariikhaysnaa 16.12.2012. kaasi oo lagu dhaleecaynayey gudoomiyaha g/Awdal mudane Cabdoo Axmed Aayar   qoraalkaasi oo lagu magacaabay wiilka loogu magic daray mujaahid : Maxamed Abiib
   Anigoo aysan ahayn    mustawahayga in aan u jawaabo fikradaha liita ayaa aan ka damqaday aflagaadada iyo dhaleecaynata qaawan ee xambaarsan cunfiga, ducfiga iyo buqdiga kuna qotanta aqoondarida iy aqoon gaabnida isla markaana huwan jidbada iyo qiirada lab la kaca  ah ee aan loom ee dayin, kuna suntan erayada qarbooshka iyo mala awaalka humaag beenaadka ah  ee sida indho la’aanta ah lloogula dul kufay Gud/Gob/Awdal oo ah masuul ka hufan dhaleecayntaasi oo kale.
Waxa aan halkan kuugu  iftiiminayaa in mihnada qoraalka iyo farshaxanimada waxqoristu ay tahay muraayada tilmaanta qofka garashadiisa. Aqoontiisa. Xirfadiisa iyo aqoontiiisa balse sida ka muuqata nuxurka qoraalka maxamed yare waa mid qof kasta oo xilkasa ama cawliga la saaxiib ah uu garan karo in maxamed yare u baahan yahay in uu dib ugu laabto jaamacadii camuud ee uu qalinkiisu ka reebay.
Waxa kale oo aan dhanka kale kaa tusayaa in wiika dhslinyarada ah ee garaadka la ehelka ah oo uu ku jiro damiir dadnimo,damiir diineed iyo damiir wadaniyeed uu ka xishoodo in reer hebeel iyo reer hebel ayuu yiraa badhasaabku  oo uu u abtiriyo dadka reer Awdal  ku baahiyo warbaahinta aanay ka suura galin balse ma adigaa jecel oo muxubo u qaba reeraha Awdal ee aad u abtirinayso, mise waa mid aad u dhalatay ookugu mudan  oo afka qalaad lagu sheego qofka sidaa oo kale u dhaqma (POOR SELF ESTEEM
‘The person  with poor self esteem does senseless things, to standout and be noticed’. Hadaba waa kuwan hoos ku xusan waxqabadka  G/G/Awdal mudane Cabdoo Aayar ee aan indhaha laga qarsan Karin:
 1.Waxa uu dib udhisay una habeeyey gurigii martida oo uu ka dhigay qasri uu ku soo dago m/waynaha
S/Land mudada 20ka sano ah ee S/Land jirtay
2. Mudane,Gud/ Aaayar waxa uu u guntaday  in uu mideeyeo dadka reer Awdal ka dib markii uu gacanta soo qabtay Ugaaskii ay dadka reer Awdal ku kala irdhoobeen waanu ku guulaystay .
3.Waxa uu qayb libaax ka qaatay samaynta gudiga midaynta beelaha Samaroon oo uu gudoomiye u ayahay Suldaaan Dhawal.
4. Waxa uu door ka qaatay ka dib markii uu u bogay waxqabadka ururkka ASARDA in uu si hagar la’aan ah u bandhigo dhinaca xukuumada iyo dhanka gobolada kale taasi oo noqotay ha’ad  wadanininmo ku jirto oo ay u soo kala badiyaan  magalooyinka dalka oo dhan, xukuumada S/Landn ay ku bogaadiso waxtarkeeda.
5. Waa badhasaabkii ugu horeeyay ee xilka gobolka qabta ee khilaaf kasta oo maamul oo heer degmo ama heer gobol ah ku dhameeya xafiiskiisa, halkii caadada u ahayd masuuliyiinta gobolka in loo dacwad tago xarunt Jam/S/Land ee H argeysa iyo qasriga madaxtooyada.
6. Waa badhasaabkii ugu horeeyay ee M/Waynaha S/Land hortiisa lagu gudoonsiiyey shahaado sharaf nabadeed iyo waxqabad ee ay bixisay jaamacada Camuud.
7.Gud/Aayar waxa uu kaalin mug leh ka qaatay wadahaladii iyo isu soo dhaweyntii xukuumada iyo maamulkii Awdal State oo si qiimo leh loogu soo dhaweeyay dalka iyo magaalada Boorama.
8. Waa gudoomiyihii ugu horeeyay ee si kal iyo lab ah uga soo qayb gala mashruuc kasta oo horumarineed  oo lagu soo marti qaado, balse marnaba aan ka cadur daaran in uu  ka soo qayb galo sida in badan oo ka horaysay ay caanka ku ahaayeen ama ay cid soo wakiilan jireen
Hadaba waxa aan ku soo khatimayaa maqaalkaygan tuducyo ka mid ah gabaygii marxuum gaariye ee ergo si maxamed yare ay ugu noqdaan erayadaasi caqli celin;
       Uf qabiilka anaa leh
      Wax uun baa ku adeegta
     Nin iskii kartidiisa ,isagoon cid ku tiirsan
   Isku taagi karaynin .ee
  Wax uun baa ehel ii ah
  Dadka kaan af aqaano .ee  si wax iila arkaaya
Ee na midayso ujeedo
Waa qalinkii C/kariim Sh. Xuseen Rabiile ( Dhameeye).
Tell: 4459091………………………………

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 01 February 2014 13:45
Wednesday, 24 September 2014 21:50
Friday, 17 January 2014 19:38
Thursday, 27 February 2014 04:02
Wednesday, 06 November 2013 16:54
Saturday, 17 May 2014 11:48
Thursday, 02 October 2014 16:35
Monday, 14 April 2014 17:34
Saturday, 18 October 2014 13:40
Friday, 15 November 2013 17:42