BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

DAAWO: Wiil Soomaali Hollandiis Ah Oo Awow Uu U Ahaa Madaxweyihii Hore Ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare Oo Ku Xidhan Xabsi Ku Yaala Dalka Masar iyo Dalka Uu Dhashadiisa Haysto Ee Holland Oo Ka Dayrisay Xaaladiisa +VIDEO +WARBIXIN

ina_siyaad_bare
25-12-2013 Amsterdam (Bnn) Wiil Soomaali-Hollandiis ah oo uu awow u yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare oo ku xidhan xabsi ku yaala dalkaas Masar ayaa waxaa la sheegay inuu ku nool yahay xaalad iyo nolol saxariir iyo silic ah iyadoona garyaqaanka u doodaaya wiilkaas uu codsi ku saabsan arintiisa uu u direy wasaarada arimaha dibada ee dalka Holland

Wiilkan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Axmed D. oo 25 sano jir ah oo heysta dhalashada dalka Holland ayaa laga soo bilaabo bishii Agoosto ee sanadkan ku jira xabsi ku yaala magaalada Qaahira ee dalka Masar, Wiilkaan Soomaaliga ah oo ku noolaa magaalada Qaahira ee dalka Masar mudo 2 sano ah ayaa loo heystaa arimo la xidhiidha argagagxisanimo iyadoona ay booliska dalka Masar ay kala baxeen gurigiisa ka dib markii ay halkaas ka waayeen nin kale oo gurigaas kula noolaa oo ay booliisku baadi goobayeen iyadoona aysan wali kala cadayn sababta ay ninkaas Soomaaliga ah ay booliisku u ka xaysteen ka dib markii ay waayeen ninkii kale ee ay raadinayeen, Laakiin garyaqaanka u doodaaya wiilkaas Soomaaliga ah ayaa ku tilmaamay inaysan waxba ka jirin eedeymaha lagu soo eedeeyey kuna tilmaamay in si qalad ah loo heysto , Wiilkan Soomaaliga ah ayaa sida uu sheegay garyaqaanka u doodaaya oo lagu magacaabo André Seebregts waxaa uu ku nool yahay nolol saxariir ah iyadoona ay qol yar ku wada xidhan yihiin dad gaadhaya ilaa iyo 33 qof islamarkaana aan loo ogalaan inay banaanka u baxaan oo ay hawo soo qaataan, dhanka jiifka ayaa la sheegay inaysan suuro gal ahayn inuu dhinac qofku isku rogo maadaama ay ragaas garbaha isku hayaan oo qofku uu ilaa waabarigii uu ku qasban yahay inuu hal dhinac u jiifo sidoo kale ayuu sheegay garyaqaankaas inay ka jirto xabsigaas cunto xumo.

Ugu dambeyntiina garyaqaanka u doodaaya ayaa oo lagu magacaabo André Seebregts waxaa uu codsi u direy wasiirka arimaha dibada ee dalkaas Holland ninka lagu magacaabo Frans Timmermans uu kaga codsanayo in arintiisa deg deg wax looga qabto, Wiilkan Soomaaliga ah ayaa horey waxaa uu cuntada uga soomay si uu uga muujiyo cabasho sida ay ula dhaqmeen ciidamada booliiska iyo sirdoonka dalka Masar laakiin waxaa uu arintaas joojiyey ka dib markii ay booqdeen masuuliyiin ka socota safaarada dalka Holland ay ku leedahay dalka Masar, Wasaarada arimaha dibada ee dalka Holland ayaa waxay sheegtay inay wiilkaas ay la leeyihiin xidhiidg joogta ah islamarkaana ay u fidiyaan caawinaad iyo talooyinka uu u baahan yahay sidoo kale ayay wasaaradu sheegtay inay xaaladiisa caafimaadkana ay la socdaan oo ay isha ku hayaan islamarkaana ay arintiisa dhawaantaan ay jawaab ama hadal ay ka soo saari doonto.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 15 September 2013 16:08
Sunday, 27 October 2013 12:44
Monday, 13 January 2014 21:45
Friday, 17 January 2014 19:52
Thursday, 10 October 2013 16:58
Monday, 23 December 2013 00:54
Tuesday, 22 October 2013 11:49
Tuesday, 13 August 2013 13:05
Monday, 03 March 2014 18:25
Wednesday, 08 January 2014 18:04