BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

GOORMA AYAAN KA WAANTOOBI DOONAA CAD AYAA NAGA MAQAN Qalinkii Mahdi muuse Isaaq

mahdi_muse_isaqWaxa aan salaamayaa bahweynta gadabuursi ee aaminsan in ay xor u noqdaan horumarinta dhulkooda iyo wax u qabadka dadkooda. Waxa aan jecelahay in aan qoraal kooban ugu soo gudbiyo reer Gadabuursi in ay ka xoroobaan hadalada aan qiimaha laheyn ee ay dhexdooda iskula wareegaan sida reer hebal ama reer hebal ayaa doonaaya in ay cad weyn ka helaan SNM.

Waxa ay ila tahay in aanu jirin cad ka maqan dadka gadabuurs, ninka isagu aaminsan in uu cad ka maqan yahay waa nin dawarsi ku jira oo haddana aan albaabka laga fureyn lagana furi doonin. Mudanayaal iyo marwooyinba mid iga haya "waa habeenkii xalay ee tagay in la ay SNM idiin garowdo oo ay idiin fidiso waxa aad ku sheegeysaan tabashadiina". Waxa ilaa hadda ay qiran la'yihiin dadkii ay qalqaleen mudada 25 sano ah.

Danta guud kuma jirto in aad horumarkiina aad sameysan kartaan idinka oo isku tiirsan in aad ka baridaan gacan aad ogtihiin in ay idin sadqeyso mooyeene marnaba aan burcad idin marineyn.

Anigu hadaan ahay Madi muuse Isaaq waxan aaminsanahey in gobolada Awdal ay noqdaan kuwo iskood u taagan oo leh maamulkooda ay u madaxbanaanyihiin ,cadkoodana ka raadsan karo caalamka iyo international communitiga.

Sadaqada caalamku ku caawi soomaaliya xaq baad u leedihiin in aad cadkiina heshaan oo si toosa ugu horumarisaan daekadihiina,dariiqyadiina iwm.

Waxan hadalka ku soo koobayaa Calanka Awdal state waxa uu noqdey abtirsimiida Gadabuursi oo maanta ubadka ,haweenka,dhallinyarad iwm kuwa isku sheega siyaasiyiin cadka ka doonaya SNM waxa uu u noqdey hub ay kaga casiiyaan SNM kulana saanqaadaan qeyrkooda soomaaliyeed.

Ilaahey ha igu simo maalinta callanka Awdal State ka babado ciidiisa roobna maydho dhiigii gardarada loo daadiyey. Hogaan waa la dhliili karaa waana la eryi karaa laakiin mabdau a dhinto ee ilaahey waxan ka rajeynayaa in garansiiyo danta dadkooda inta ku mashquulsan dawersiga ee aan hoos u eegeyn waxa hoostooda ka jira.

Qalinkii Mahdi muuse Isaaq Guul Awdal State AwdalFor Somalia

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 03 January 2014 17:49
Tuesday, 03 December 2013 22:27
Sunday, 27 July 2014 16:50
Friday, 09 May 2014 10:58
Monday, 26 August 2013 02:22
Friday, 27 June 2014 11:48
Sunday, 29 December 2013 19:57
Tuesday, 10 June 2014 15:02
Tuesday, 03 December 2013 18:49
Monday, 04 November 2013 21:59