BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

HARGEYSA: "Xukuumaddu miyaanay Wax Ku Qaadanayn Dilkii Iyo Dhaawacii Reer Xaqsoor Iyo Weerarkii Hubaal" Xasan Xiise

xasan_ciise25-12-2013 Hargeysa (Bnn) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac, ayaa  ka Hadlay dhibaatadii mudaharaadku keenay eek a dhacday Magaalada Burco Toddobaadkan, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in Maalin walba Ciidanka Boolisku Gacantooda ku dilaan Muwaadiniin Reer Somaliland ah oo ay ammaankooda masuul ka ahaayeen

Guddoomiye Xasan oo soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo arrintan iyo arrimo kale oo xukuumaddu caadaysatay, ayaa farta ku fiiqay inaanay xukuumaddu waxba ku qaadan dhibaatooyinka iyo hagardaamooyinka ay geysato, waxana uu tusaale u soo qaatay dadkii ku dhintay Mudaharaadka Natiijadii doorashooyinkii Dawladaha Hoose ee Dalka ka qabsoomay iyo Weerarkii Askariga Hubaysani kula kacay Wargeyska Hubaal.

Warsaxaafadeedka uu Guddoomiyuhu soo saaray ayaa u dhignaa sidatan:

Aad iyo aad ayaanu uga xumaanay dhibaatadii ka dhacday Burco shalay(isniintii) .Allah ha naxriisto cidii ku dhimatay halkaas, hawuna sahlo cidii ku dhaawacantay. Iyada oo Somaliland oo dhami u baahantay nabadda ayey Burcana u sii baahantahay nabadda.

Waxaanu ku guubaabinaynaa reer Burco oo dhan iyo Xukuumadaba inay si buuxda ugu dadaalaan in xaalada lagu soo dabaallo si nabad ah. Taasi ayaanu xeerinaynaa.

Xukuumada Somaliland waxaanu xasuusinaynaa inay ayaguna nabadda ugu baahan yihiin sida ay shicibku ugu baahan yihiin,laakiinse ayagu u xil gaari ka saaran yahay nabadda ilaalinteeda iyo kobcinteeda. Sidaas awgeed waxa xukuumada waajib ku ah inay ka digtoonaato wax kasta oo nabadda waxyeelaya. Waxa kale oo waajib ku ah in mar ksata oo tan oo kale dhacdo ay xukuumada samayso baadhitaan lagu kalsoonaan karo,kana qaado talaabo lagu qanci karo. Waxaanu mar kale xukuumada xasuusinaynaa in waxa keliya ee nabada lagu sugi karaa ay tahay cadaalada,xag siyaasadeed,xaq dhaqaale iyo xaq sharciyeedba.

Xukuumada ayaa ka masuula Booliska. Xukuumadu waa in ay amar ku siisaa Booliska inaanay marnaba xabad nool ku ridin dad rayid ah oon hubaysnayn. Arimahani inay soo noqnoqdaan ma aha,miyaan wax lagu qaadan dilkii iyo dhaawicii Xaqsoor taageerayaashiisa doorasho ku sheegii ugu dambeeyey?. Miyaan wax lagu qaadan weerarkii foosha xumaa ee Hubaal? Miyaan wax lagu qaadan mudaharaadkii  dhawaan ee Ucid sidii xukuumadu ka yeeshay? Dadka rayidka ah een hubaysnayn ee ka dhiidhiya dulmiga waa muwaadiniinta xalaasha ah ee dareen kule. Kuwaas ayey tahay inay xukuumadu soo dhawayso marka ay garasho iyo kalsooni iyo daacadnimo jirkan. Xukuumadan ma waxay garanweyday intay garatay dawlada Thailand,maalintii daweyd markii ciidamadii Booliska ee Bankog amarka lagu siiyey inay ka hordhaqaan shicibka mudaharaadaya.

Kuwii mudaharaadayey markii Boolisku ka hordhaqaaqay  intay xafiisyadii dawlada galeen ayuunbay wakhti yar ka dhex qudbadeeyeen dabeetana wey iskaga baxeen xukuumadani intaasna wey garanweyday.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 18 August 2013 14:52
Saturday, 22 February 2014 17:16
Monday, 15 September 2014 20:16
Thursday, 02 October 2014 17:12
Monday, 24 March 2014 17:10
Monday, 16 December 2013 12:08
Tuesday, 26 November 2013 19:00
Friday, 20 September 2013 03:40
Monday, 06 October 2014 21:51
Thursday, 09 October 2014 06:15