BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BURCO: Meydka Wiilkii Ku Dhintay Rasaastii Ciidanka RRU Du Ku Fureen Mudahaadkii Burco Oo Aan la Aasin Wali iyo Wasiiro U Jooga Xalinta Dhibaatadii Oo Booqday Dhaawaca Iyo Kulan Ay ..

burco_wasiiro_325-12-2013 Burco (Bnn) Shan Wasiir oo Burco u jooga xalinta dhibaatadii uu sababay Mudaharaadkii dhimashada iyo dhaawaca sababay ayaa saaka ku booqday Cisbitaalka Guud ee magaaladaasi laba Askari oo ay ciidanku ku dhaawaceen shaqaaqadii ka dhacday ee ay dadweyne la soo abaabulay kaga gadoodee n bedelaada Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Togdheer ee shalay xilka wareejiyey.

Wasiiradda ayaa labada Askari oo midkood Sarkaal yahay ku booqday Waadhka ay jiifaan, waxaana labadaba ku yaala dhawaacyo halis ah oo midkood ay xabadu caloosha kaga dhacday, halka ka kale ay goysay muraqa  buruca ee gacanta.

Wasiiradda ayaa labada Askari illaahay uga baryey in uu u fududeeyo dhaawaca iyagoo madaxda Cisbitaalkana ku dar daaray in ay u fidiyaan gar-gaar dheeraad ah si xaaladoodu u soo kabato. Sidoo kale waxay kula kulmeen barxada cisbitaalka Odayaal ka soo jeeda qoysaska Askartan iyagoo u balanqaaday wixii karaankeed ah in aanay xukuumaddu ka hagran doonin sidii ay wax ula qaban lahayd Askarta iyo Reerahoodaba.

Wasiiradda ayaa booqashada dhaawaca Askartaas isku shubay xarunta Gobolka ee magaaladda Burco halkaas oo ay balamo kula leeyihiin madaxda Maamulka Gobolka iyo Odayaal ka soo kala jeeda Beelaha si xaalka magaaladda loo dajiyo isla markaana go’aan looga qaato Maydka Ninkii ku dhintay rabshadii dhacday kaasoo wali yaala isla markaana Beeshiisu diiday in ay Aasato illaa inta meel la saarayo Dilkiisa.

 

 

whn/bnn

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 23 November 2013 14:59
Tuesday, 29 October 2013 14:31
Monday, 09 December 2013 14:55
Thursday, 05 December 2013 04:56
Sunday, 23 March 2014 12:52
Monday, 07 April 2014 13:51
Wednesday, 04 December 2013 07:39
Monday, 14 April 2014 14:33
Saturday, 04 January 2014 17:21
Thursday, 28 November 2013 10:30