BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Siyaasiyin iyo Odayaashi Ka Qeybgalay Shirkii Jubooyinka Muqdisho Oo Maanta Laga Saaray Hoteeladii Ay Deganaayeen Alaabtoodii Oo Banaanka Loo Dhigay

muqdisho_odoaalem25-12-2013 Muqdisho (Bnn)Dowladda Soomaaliya ayaa

Hoteelo ku yaalla Muqdisho ka saartay Siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda Gobalada Jubooyinka kuwaa oo ka qeyb galay Shirkii ka dhacay Bishii November ee Sanadkan Muqdisho.

Nabadoon Yaasiin Cabdi Siyaad oo ka mid ah 18 Oday oo laga saaray Hotelka Global ee Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in DFS ay bixisay Amarka Hoteelada lagaga saaray,isagoo tilmaamay in aysan garanayn Sababta.

Wuxuu xusay in markii uu dhamaaday Shirkii Arrimaha Jubooyinka ay DFS u sheegtay Ergadan inay sii deganaadaan Hoteelo ku yaalla Muqdisho inta laga gaadhayo Wajiga 2-aad ee Shirka oo ka dhici doona Kismaayo.

“Waxaan ka xunahay in sidan ay noola dhaqanto DFS, oo Amarto in si qasab ah Boorsooyinka Banaanka naloogu tuuro,oo Hoteelada nalaga saaro,waayo waxaan ahayn Odayaal markii hore ay Dowladda keentay Muqdisho oo Shirka ka qeyb galay,”ayuu yiri Nabadoon Yaasiin Cabdi Siyaad.

Nabadoonka, ayaa sidoo kale sheegay in DFS ay ka gaadhay Ujeedkii ay ka lahayd, oo hadda Xadhiidh Toos ah la samaysatay Axmed Madoobe.

Nabadoon Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay in Balantii ay ugu baxday dawladu, kaasi oo ahaa in ay Odayaasha u qaadi doonto Kismaayo, si ay uga qeyb galaan Shir halkaasi ka dhacay, balse inta aan la gaadhin Hoteeladii ka saartay.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 24 January 2014 23:35
Tuesday, 21 January 2014 19:06
Tuesday, 11 March 2014 18:18
Wednesday, 18 December 2013 16:06
Tuesday, 04 March 2014 01:47
Sunday, 08 December 2013 19:39
Tuesday, 20 May 2014 02:47
Sunday, 19 January 2014 18:09
Thursday, 19 June 2014 15:12
Thursday, 24 October 2013 11:45