BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BURCO: Ururka Baraarug Ee Beesha Siilaanyo Ee Burco Oo Shaaciyay Inay Mamnuuceen Tvga HCTV (WAR-MURTIYEED)

hctv25-12-2013 Burco (Bnn) Ururka Baraarug Ee Nabadeynta Iyo Horumarinta Beelaha Degen Bariga Burco Ee Madaxweyne Siilaanyo Ka Soo Jeedo Oo Ka Mabnuuceen Tvga Horn Cable Wariyayaal Ka Socda Lagana Daawan karin . War Murtiyeed Ay Soo Saareen Ayaa U Dhignaa Sidan

UJEEDO DIGNIIN.

Annagoo ah Ururka Baraarug Ee nabadaynta iyo horumarinta Beelaha degen Bariga Burco, waxaannu ka xunnahay dhacdooyinkii shalay ka dhacay Burco isla markaas waxaannu tacsi u diraynaa eheladii iyo qoysaskii dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaadheen dagaalladaas foosha xun soo qaden dad tirsan oo la yaqan oo horena kuwan oo kale uga sameeyay magaalada Burco.

Ka Dib markii aanu shir isugu nimi Maanta waxanu isla garanay qoddabadan hoos ku qoran .

1.In nabadu naga goaan tahay kana shaqayn doono ilaa inta aanu arkayno cid nabad doonaysa

2. In markii aanu iswaydiinay xaaladii shalay dhacday la weeraray dawlada hoose quful lagu dheejiyay isla markaana la waayey dawlad daacada oo u soo gurmata burco .inta haysata togdheerna yihiin hal reer .marka laga rebo mayarka oo doorasho ku yimi .in aanu dawlada uga fadhino inay dib ugu noqoto samiqaybsiga oo waliba reerki loo sadburiyay rabshada iyagu wadaan

3. Waxanu qiimaynay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ka dhacay Burco in uu Tvga Hon Cable tv oo kayse Axmed Digaale ka yahay hormuud oo ka mid yahay kuwa qaska ka wada magaalada .isla markaana isagoo isticmaalaya Tvga Horn Cable uu fidiyo waxaa reerkoodu wadaan . waxanu go,aansanay hadanu nahay Beesha bariga Burco oo ururkan matalo in aanu ka mabnuucnay tvga bariga burco una sheegayno mulkiilaha tvga Farxaan iyo Jamaal inay sida ula socdan cidi wax ku dhacan iyadu ka masuul tahay. Sido kalena u sheegayno in an laga daawan Karin bariga burco tvga hctv oo uu dagal oge kayse axmed digaale masul uga yahay burco.

4. Waxaanu u sheegaynaa Maamulka Hctv inaan Tv-ga HCTV wax sita Astaantiisa aan lagu arki Karin Bariga Burco hadii lagu arkana wixii ka dhaca masuuliyadeeda aanan lahayn ee ay qaadayaan masuuliyiinta tv-ga waana naga digiin aanu u sheegayno maamulka sare Gudiga Fulinta Ee Ururka Baraarug

Nagala Soo Xidhiidh Emailkayga

Baraarug1@gmail.com

Baraarug@live.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 21 June 2014 17:41
Saturday, 16 November 2013 05:44
Friday, 16 August 2013 19:22
Thursday, 19 September 2013 18:45
Tuesday, 04 March 2014 21:32
Wednesday, 13 November 2013 23:38
Monday, 21 October 2013 18:50
Saturday, 11 January 2014 14:37
Saturday, 13 September 2014 11:57
Tuesday, 26 November 2013 16:28