BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BAAQ TALLO, TAAGEERO, HAMBALYO, IYO BOGAADIN ISKUGU JIRA, KUNA AADAN SHIRKII 20/12/2013KII LONDON EE BEELWEYNTA GADABUURSI KU DOORTEEN MADEXWEYNE IYO MADEXWEYNE KU XIGEENKA DHULKA ENGIRIISKA LONDON……

maqaal26-12-2016 (BNN) Waxaan hawadda u marinaynaa Gudidii qabanqaabisey, qabatay shirkii sabatobixin ama badbaado   Dhanbaal ku dheehan tahay kagacal, Gudigii sokeeye ee abaabushay, isku keentay, isfahamsiisay, istustay, ee suurta galisey qabsoomidda shirkii london 20/12/2013kii , Kuwaas oo u qabtay hab farshaxanimo, aqooneed, hawlkarnimo, daacadnimo, dhiiranaan, dulqaad iyo firfircooni iyo karti  intaba, kuma soo koobi karayo qalin hawshi ay taabo geliyaan ama ay qabteen , baaxadda ay lahayd, Dhamaantood, wiilal iyo Gabdhoba ..
 Anigoo ku hadalaya magaceyga iyo magacaga  jaaliyadda ama qurbejoogta ku Dhaqan  sacuudiga waxaan idiin soo direynaa  hambayo iyo duco aan kala go’ayn , in aad naga gudoontaan……Anagoo idin ku hayna qalbiga iyo maskaxdda ,carabka iyo Daanka, afka iyo uurka, Beerka iyo Wadnaha iyo waaxyaha jidhkoo dhan  waxaan idiin leenahay, noqda kuwii jira ee joogga, cimiri dherer iyo caafimaadna eebbe siiyo …..Anagoo joogna dhulkii barakeysnaa  waxaan Eebbe weyne idiinka baryeynaa  idinka iyo waalidiintiinba in uu siiyo dambi dhaaf iyo maqfiro,  janaddii fardawsana idinka waraabiyo dhamaan…..Hawsha aad qabateen waa hawlahii samafalka , taakuleynta , tusaaleynta dadka Dulman ee xaqoodii maqan yahay sidaad isku afgadsiin lahaydeen, waana kuwa lagu muteysto xagga Eebbeweyne  dambi dhaaf, iyo Janno.. waxaad sawaabisaan qof dhashay oo dhintay camalka uu leeyahay………waxaan idiin leenahay noqda kuwii dalkoodda, dadkoodda, diintoodda anfacca, sidaa aad ugu soo jeedaanna umadiina Ee!
 bbe weyne waa idin jawaab siin……….intaa aan ku dhaaf…
Waxaa kale een hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa xubnahii beesha aan ka soo jeedno ee ka soo qayb galay, ama gacan ka geystay  hawshii sabatobixinta ahayd ee lagu dooranayey halyeyaddii fulin lahaa go’aanka bulshadu gaadho, waxaan leenahay Eebbeweyne ha idinka dhigo kuwii aflaxa, sii wadda hawlaha samofalka eed gacanta iyo afkaba ku haysaan……
Waxaa kale oon hambayo u direynaa dhamaan mushariintii isku  soo taagay xilka hogaanka beesha, kuwaas oo muujirey hanka mustaqbalkoodda hogaamineeyd Intaa waxaa noo dheer in aan halkan ku taageero go’aankii wacnaa eed gaadheen, kuna doorateen hogaan mideysan ooy ka madhan tahay looma dhaneyn, iyo beel baa wadatey kaliya…. Waxaan mar kale hawadda u marineynaa dhanbaal, hambalyo , taageero hogaamiyaalka aad doorateen 21/12/2013kii oo kala ah… Madex/w..Abdulsamad Nageeye iyo M/xig. Abdulrahman Abdullahi…… kuwaas oon rajeynayno in ay la yimaadaan waxqabad ka wacan kooxdii hore ee dhaliileyd….
Waxaan leenahy waxa idin horyaal hawl adag, Dhaliil badan, Qodaxbadan, Dhuljiif badan, Canaan badan, Qaylo badan, Jidkii siraad baa idin ka horeeya sidaad uga gudbi lahaydeen, taas oo loo baahan yahay , Dulqaad, Dhegeysi, La tashi, Dabacsanan  bulshaddan aad meteshaan dhexdeeda, kana turjuntaan rabitaanka bulshadan dulman, kuna hogaamisaan himiladda ay higsanayso beeshu oo ah soonooleyn karaamaddii beeshu ku lahayd mujtamaca somaliyeed oo hadda dhimatay….. Xilkuna waameerto, waa la idiinka horeeyey , waana la idiinka dambeyn, xilka hadaad u qaadeen in aad kursi ku fadhiisataan kaliya si la idin yiraahdo waa madex ood la timaadaan shaqadii xaakimkii muqdisho ee dalkoon sharciba jirin dadka waxbay xadeen gacamaha u jarjarayey ee markii  la weydiiyey maxaad sidan u yeeshay ku jawaabay HA LAGU BARTAAN LEEHAY…….Hawsha   la idiin dhiibay ee  la rabo  in aad ka mudho dhalisaan ,ood daaweysaan, ood kicisaan, ood dhistaan waa soo nooleyntii karaamaddii ummadan , waa in aad gunt!

 iga dhiisha iskaga dhigtaan, u soo jeedaan, u tafo xaydataan…..  La idinkama rabo in aad ku sifawdaan sida kooxdii hore xafladdo, martiqaadyo iyo fagarayaal laga heeso ama laga ciyaaro ood xoogaagii gaadhaanka lagu ururiyey ku bixisaan ama socod aan (procol) lahayn oo iska soco ah,ama madhaleys ah,  ama xilal aan jirin ood dad u magacawdaan, ama koox aad isku haybtahiin ood la tashataan kaliya intaaba waa in aad iska ilaalisaan…..waxaan uga socdaa taas ,murtideydii soohneyd aan, siidaayo faraskee subaaxka ina uumaan simin aadmigeenoo  sida fara weeyeen, ninka ragii ma suuloo, sumaddisa hoosiyo calooshii isma seegtee… ha la jiro subraaradda, sahay lagama maarmee, xididka iyo okeeye ..

Dadkan la rabo in aad wax u qabataanna waa dad ay dileen , afmiinshaar, dhiigkumacaash,koofiyad bacle, suldaan aakhiro saban, wadaad xagjir, biidhiqaate, xaasid, nacas,waxmadhibe, tuug, jaahil iyo  dhuljiif  waxaan ka wadda taas…
Qof Hurdda Waa la Toosin Karaa, Laakiin Qof Isyeelyeeli Lama Toosin  Karro.
Qof Bukka  waa la daweyn karaa, Laakiin Qof isbukeysiin lama daweyn karo.

Qof Aqoon dari hayso, waxbaa la bari karaa, laakiin Qof iska dhigaya aqoon laawe lama bari karo.
Qof meyd ah, oo moodi in uu nool yahay waa la arkay, laakiin ummad wadda meyd ah oo moodeysa in ay nool yahiin lama arag…..
Waxaan uga socdaa taas, Ummad labaatan sanno iyo dheeraad been lagu sasabi, oo geedka dayax ku yaal mudhahiisaad guraneysaan la leeyahay,oo arkaysa in aan waxba uga soo go’ayn ,  oo baddaa la idiin macaaneyn al leeyahay,oo silic iyo saxariir  ku nool, oo dadkoodii la gumaadi, hilbahoodii haadka loo wadhi, caruurtoodii qaxid badaha ugu dhamaadeen, dhulkoodii la boobi oo la bililiqeysan, hantidoodii lagu dulxaraashan aduunkan wax la kala macaashiba aan u warhayn intas oo dhan baa idin horeysa waa sidaad uga soo baxdaan, waana in aad raadisaan gaboolfalkii loo geysatay ummadan…… Hogaanka cusub waxaan leenahay.. Go’aanka aad qaadataan ha ku degdegina  fulintiisa, haddiise aad gaadhaan ha ka noqonia xitaa hadduu QALOOCAN YAHAY………..
Ummadda aan wax ka dooneynaa waa … iidoor oon rabin jiritaankaaga…. Daarood oo waraabe u tag ah, Hawiye oo iskadaa waxay bixiyaane.. Dhillo qurux badan oo xaafad xamar ka mid ah jidhkeedda ka ganacsaneysa diley, Markii la weydiiyey maxaad u disheen , waxay yiraahdeen waxay calaf qaaday Dhilooyinkayagii foosha xun lahaaa…. Raxanweyn oon ujeeddo iyo ka jeeddotoona lahayn, intaas baa illaahay wax inoogu daray sidii cadkeenna aan u goosan lahayn waxaan filayaa in ay gacanteena ku jirto haddii Eebbeweyne ina garan siiyo, waanu ku jiraa Gacanteena ee waynu Gara-mareynaa?........
  GUDOOMIYE…..      A.B.I.FAAHIYE-GALMAAXDEY(ADEN-CADDE) KSA.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 25 November 2013 16:06
Saturday, 29 March 2014 05:37
Wednesday, 24 September 2014 09:43
Saturday, 31 August 2013 09:45
Wednesday, 13 November 2013 13:52
Sunday, 27 July 2014 20:05
Tuesday, 17 December 2013 13:30
Tuesday, 17 June 2014 15:03
Wednesday, 23 October 2013 23:51
Sunday, 17 November 2013 10:46