BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

HARGEYSA:Shirkadaha Shidaal Baadhista Oo Ay Genel Ku Jirto Oo Ka Calool Waydsan Inay Dalka Ka Hawlgalaan Intuu Xuseen Guray Hayo Xilka Wasiirka Macdanta

 wasiirka_macdanta_sl26-12-2013 (BNN) Shirkadaha caalamiga ah ee saliid baadhista ayaa ka calool waydsan inay ka hawlgalaan dalka Somaliland intuu Mr Xuseen Cabdi Ducaale wali hayo xilka wasiirka Macdanta kadib markii ay wasiirka kala kulmeen carqalado iyo dhaqamo aanay ka gudan karayn hawlahooda.
Shirkadahan oo isugu jira kuwo heshiisyo shidaal baadhis ah la galay Somaliland sida shirkada Genel Energy iyo qaar kuwaas ku daba jiray oo doonayey inay dalka yimaadaan ayaa muujiyey siday saraakiil ka tirsani haatuf u tibaaxeen in aanay hadda diyaar u ahayn hawlo waaweyn oo ay Somaliland ka bilaabaan inta ay xukuumada Somaliland si dhab ah wax uga qabanayso duruufihii iyo arimihii keenay in shirkada Genel dalka iskaga baxdo bishii September 2013 si aanay kuwii oo kale dib u dhicin.
Ifafaalaha muujinaya kalsooni darada ku timid shirkadaha saliida waxa ka mid ah qalab qiimihiisu gaadhayo malaayiin dollar oo ay shalay dalka kala baxday shirkadd la yidhaa Tesla-Imc taas oo ay shirkada Genel qandaraas ku siisay hawlaha sahaminta saliida ee ay ka waday Somaliland.
Qalabkan oo la yidhaa Seismic Survey Tools waxay shirkada Tesla ku rartay oo ay dalka dibada ugaga saartay markab weyn oo ah nooca loo yaqaan RoyRoy.

Inkastoo shirkada Genel warsaxaafadeed ay soo saartay bishii November ku sheegtay inay dalka Somaliland ku soo laabanayso si ay hawlihii shidaal baadhista uga bilawdo horaanta sanadka 2014, hadana alaabtii loo isticmaalayey shidaal baadhista Seismic Survey ee shirkada Tesla ay shalay Dalka Kala baxday ayaa shaki galinaya in shirkada Genel ay dhab ahaan hawlaheedii dib uga bilaabi doonto dhulka Somaliland sanadka 2014.

Arimaha ay shirkadaha shidaalku kaga cawdaan dhinaca Somaliland ayaa waxa ugu horeeya wasiirka macdanta Xuseen Guray oo ay ku eedeeyaan inuu kula dhaqmo musuqmaasuq isla markaana uu jabiyo qodobada heshiisyada uu la saxeexdo shirkadaha.
Tusaale ahaan wasiirku waxa uu todobaadkan heshiis shidaal baadhis ah la galay nin Yemeni ah kaas oo uu u fasxay dhul markii hore kayd ahaan (optional) loogu ogolaaday shirkada Genel oo la yidhaa Block19 kuna yaala gobolka Sool taas oo la sheegay inay ka cadhaysiisay madaxda shirkada Genel.
SOURCES HAATUF

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 05 December 2013 04:17
Tuesday, 10 December 2013 04:51
Friday, 01 November 2013 18:21
Thursday, 03 October 2013 19:51
Tuesday, 08 October 2013 22:46
Friday, 09 August 2013 09:48
Monday, 14 April 2014 22:59
Sunday, 09 February 2014 20:13
Wednesday, 06 November 2013 15:26
Tuesday, 05 November 2013 11:54