BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

WAR DEGDEGA:Gaadhi Bas Ah Oo Marayay Meel U Dhaw Jaamacada Al Azhar Ee Magaalada Qaahira Oo Lagu Weeraray Bombo Iyo Khasaare Ka Dhashay

bus26-12-2013 (BNN) Qarax bombo gacanta laga tuuray oo lala eegtay Bas dad shacab ahi saarnaayeen badhtamaha xaafada Madiinatu Nasri ee magaalada Qaahira.Qarahani ayaa waxaa ku dhaawacmay shan qof,wax dhimasho ahna lama soo sheegin.Baska  qaraxa lala eegtay ayaa marayay kasoo horjeedka Jaamaca Al Azhar ee magaalada Qaahira.

Qaraxani ayaa booliisku ku sheegeen mid ka dhashay Bombo macmal ah oo guryaha lagu sameeyo,balse khasaare kooban dhaliyay.

Magaalada Qaahira iyo guud ahaan dalka Masar ayaa waxaa kor u kacay qaraxyada lala eeganayo goobaha Booliisku ku sugan yihiin,Qaraxanina waxa uu kusoo beegmayaa xili magaalada Mansoura uu qaraxu burburay saldhiga Booliiska ee magaaladasi galaaftayna nolosha 14booliisa in kabadan 14 ku dhaawacmeen.

Shalayna dawlada Masar ayaa ururka Akhwaan Muslimiinta ku daray liiska Argagixisada lana simay kooxda Alqeada ee dunida Muslimka ka dagaalanta.

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 02 August 2014 22:57
Thursday, 31 July 2014 15:32
Friday, 22 August 2014 14:46
Friday, 06 December 2013 10:48
Wednesday, 28 August 2013 14:46
Tuesday, 09 September 2014 18:35
Monday, 18 November 2013 14:35
Tuesday, 17 September 2013 15:20
Thursday, 10 April 2014 03:12
Sunday, 19 January 2014 10:47