Prof Samatar Darsi Uu Ka Jeediayay Jaamacada Admas Oo Si Qotadheer Uga Hadlay Siyaasada,Dhaqaalaha,Sheegayna In Ardaydu Bartaan Habka Bulshada Loo Hurumariyo +DHAGAYSO

30-12-2013 (BNN) Prof Axmed Ismaaciil samatar oo maalimihii ugu dambeeyay Ku sugnaa Dalka ayaa Lacture dheer ka jeediyay Jaamacadaprof_samatarr-300x225 ADMAS qaybteeda Caasimada Somaliland Ee Hargeisa isagoo Kagag Hadlay Horumarka(Development) Waxanu tilmaamay in loo soo jeedsado sidii loo horumarin lahaa dalkan Somaliland isla markaan wax soo saar kala duwan looga samayn lahaa.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si xeel dheer u sharaxay qodabada Arimaha Siyaasada ,dhaqaalah,iyo dhaqanka isagoo sheegay inay intaasiba ina hagayso loona baahan yahay mid walba in sideeda abaaro

Prof Axmed Ismaciil Samatar ayaa sheegay in Siyaasada Marka la doonayo tahay wax facwayn oo u baahan daris iyo barasho xeel dheer  kuhagid dhaqanka iyo dhaqaalaha ku salaysan.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo la hadlayay boqolaal Arday iyo madaxda Jaamacada ADMAS ayaa Farta ku fiiqay in La tix raaco suugaanteena iyo Dhaqankeena,waxanu ardayaday ku booriyay inay bartan sida dalka Loo horumariyo ,isagoo ku dheeraad sharaxaada Siyaasada iyo sida ugu haboon ee bulsho loogu dhigi karo.

Madaxa jaamacada Admas ayaa u mahad celiyay Prof Axmed Ismaaciil Smaatar oo ay noqonayso markii Labaad Ee uu jaamacada Admas ka jeediyo Lacture,kuna amaanay sida uu da’yarta Somaliland ugu baraarujinayo arimaha dhaqaalah Ee Horumarka Abuurikara, isagoo Hore uga soo Jeediyay jaamacadaha Hargeisa iyo TimaCade ee Gabiley isla caawana Mid kale ka Jeedinaya Jaamacada Golis.


Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews/Hargeysa

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 09 November 2013 19:22
Wednesday, 08 January 2014 12:23
Monday, 28 October 2013 20:15
Saturday, 09 November 2013 19:12
Tuesday, 31 December 2013 14:33
Thursday, 13 February 2014 20:48
Friday, 22 November 2013 04:52
Tuesday, 21 January 2014 21:36
Saturday, 21 December 2013 00:36
Friday, 20 September 2013 11:48