BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Dawlada Itoobiya Oo Amaantay Xidhiidhka Kala Dhexeeya Soomaaliya Sheegtayna In Ay Sii Xoojinaysa Iskaashigaasi

itoobiya_iyo_somalia30.12.2013 (BNN) Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya dalka Soomaaliya Wondimu Asaminew ayaa sheegay in ay sii ballaarinayaan xidhiidhka Itoobiya kala dhaxeeya Soomaaliya.
Safiirka wuxuu sheegay in haatan uu waji cusub u furmay xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal, loona baahan yahay in la sii ballaariyo.
Asaminew wuxuu tilmaamay in wanaajinta xiriirka labada shacab iyo labada baarlamaan ay door muhiim ah ka ciyaari karto saaxiibtinimada labada waddan.
Hadalkan ayuu ka sheegay mar uu shalay qado sharaf u sameeyay wafdigii Soomaaliya uga qeyb-galay xuska qowmiyadaha Itoobiya oo dhowaan lagu qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

BK/Muqdisho
Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 14 February 2014 00:45
Sunday, 09 March 2014 00:45
Wednesday, 09 April 2014 08:15
Monday, 04 November 2013 10:45
Sunday, 25 May 2014 11:10
Friday, 29 November 2013 23:11
Wednesday, 05 March 2014 11:42
Friday, 04 July 2014 11:06
Saturday, 05 April 2014 04:35
Thursday, 07 November 2013 22:46