Wafdi Wasiiro Iyo Prof. Samatar Ka Kooban Oo Borama Yimid iyo Madax Hore Ugu Caan Ahaa Soodhawaynta Oo Ka Muquurtay (VIDEO)

borama_samatar_is31-12-2013 Borama (Bnn) Waxa galinkii dambe ee maanta soo gaadhay magaalda Boorama Wafdi uu hogaaminayo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar isla markaana ay ku weheliyaan Wasiirada Wasaaradaha Xidhiidhka Golayaasha, Beeraha iyo Wasiirudawlaha Maaliyada, iyo Agaasimaha Guud ee Macdanta. Wafdigan ayaa waxa duleedka Magaalada Gorayacawl kaga hortagay salaadiinta dhaqanka ee gobolka Awdal kuwaasi oo si diiran u soo dhaweeyay.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka waramay ujeeda safarkiisa ayaa yidhi “Waxa ay tahay dulucda safarkaygani mid ku xidhan kii hore, waxanan rabaa inaan ardayda, xukuumada, ganacsatada iyo waxgaradka kale ee odayaasha dhaqanku ka midka yihiin inaan la sheekaysto oo aan sii xoojino xog is waydaarsiga iyo u tashiga dalkan sidii loo hormarin lahaa, waxana aan Boorama joogi doonaa dhawr maalmood”

1Soo_dhawayn_Prof._Samatar



Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Aadan Axmed Warsame oo ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Waxa aan Prof. Samatar ku soo dhawaynaynaa gobolka Awdal, waxanan sheegayaa in booqashadiisu ay tahay mid muhuiim u ah gabi ahaanba dalka oo dhan, Prof. Samatar mudada uu joogo waxa uu kulamo la yeelan doonaa bahda ardayda Jaamacadaha kuwaasi oo uu waayo aragnimo iyo aqoonba la wadaagi doono, Xukuumadu way soo dhawaynaysaa waxanan leeyahay ku soo dhawoow gobolka Awdal.

Wasiiru Dawlada Maaliyada Cadaani ayaa isaguna tilmaamay inay Prof. Saatar Saaxiibo dhaw yihiin isla markaana safar inuu u soo raaco ay u tahay arin farxad leh, waxana uu xusay in Prof. Samatar uu yahay aqoonyahay reer Somaliland ah.

Sul. Ibraahim Jaamac Samatar, Sul. Muuse Cilmi Dugsiiye, Sul. Sh. Ibraahim Riiraash iyo Imaam Axmed Miisaan oo iyaguna ah odayaasha dhaqanka ayaa Prof. Samatar iyo wafdiga la socda ee wasiirada ah u soo dhaweeyay si diiran oo kal iyo lab ah.

Si kasta ha ahaatee waxa xusid mudan in soo dhawayntan maanta ee Wasiirada xukuumada ka tirsan iyo Prof. Samatar ka muquurtay oo aan ka soo ag xaadirin Maamulka gobolka iyo kan degmada Boorama oo ahaa kuwo ku caan baxay inay si firfircoon uga qayb qaataan abaabulka iyo soo dhawaynta wasiirada xukuumada iyo wafdiyada kale ee soo gaadhaya Somaliland

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 13 August 2014 10:02
Thursday, 09 January 2014 15:24
Wednesday, 10 September 2014 16:16
Thursday, 16 January 2014 17:09
Monday, 16 June 2014 15:48
Sunday, 18 May 2014 18:27
Tuesday, 19 November 2013 17:23
Friday, 08 November 2013 04:29
Monday, 26 August 2013 04:10
Saturday, 21 September 2013 03:39