BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

DHAGAYSO WARAYSI XIISO LEH: SANADKA CUSUB IYO HAMIGA CUSUB EE MADAXWEYNE XASAN SHEEKH ILAA LAGA GAADHAYO DOORASHADA ONE MAN ONE VOTE EE 2016


Hassan-Sheikh-Moha_2554360k

Ugu horeyn Idaacada Kulmiye

ayaa Madaxweynaha weydiisay Su’aashay:-

-Mudadii sanadka iyo barka ahayd ee Dawlada Somaliya shaqeyneysay isbar bar dhig markii uu kusameeyo guulihii dawlada gaartay iyo guul-darooyinkii ku dhacay?
DHAGAYSO ::

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.


Madaxweynaha ayaa ku jawaabay:-

-Waxa uu sheegay madaxweynuhu in marxalada hadda la joogo ay imaan karto gaabis islamarkaana ay ku dadaalayaan caqbadaha hortaagan dawlada sidii looga gudbi lahaa,Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in hormar ay kasameeyeen dhinaca amaanka,adeega Bulshada iyo dib uhabeynta Maaliyada.

Su’aal kale oo Radio Kulmiye weydiisay Madaxweynaha ayaa ahayd:

-Mudane Madaxweyne ma is leedahay hamiga ah in doorashada 2016-ka la qaban karo?

Madaxweynaha ayaa Sidoo kale ku jawaabay:-

-Waxa uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in ay udhacdo sidii loogu talo galay doorashada madaxtinimada labo sano kadib 2016-ka

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa su’aal kale oo la hor dhigay waxay ahayd waxyaabaha uu ku xushay Dr C/weli shiikh Axmed oo Ra’iisalwasaare dhawaan uu umagaacabay.

Waxa uu sheegay inay ku xiran tahay shaqada uu qabto Dr C/weli islamarkaana amaan sidoo kale ujeediyey Dr Cabdi Faarax Saacid ra’iisalwasaarihii hore ee Somaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Shirka maamul usameynta gobollada Koonfur Galbeed Somaliya ee baydhabo lagu qaban qaabinayo isagoo sheegay ka qeyb geli doonaan Shirkaasi,Midka Kismaayo ka shaqeynaya ee Axmed Madoobe hogaamiyana ay taageersan yihiin.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hadii ay Nabad qaadanayaan Al Shabaab kuwooda Somalida ah.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 19 August 2013 23:33
Thursday, 03 April 2014 13:43
Friday, 08 November 2013 05:00
Friday, 21 February 2014 21:54
Friday, 06 September 2013 23:37
Wednesday, 14 August 2013 17:39
Sunday, 13 April 2014 02:17
Monday, 03 March 2014 20:00
Saturday, 30 November 2013 12:48
Friday, 06 September 2013 21:17