BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

CADE MUSE: Koofiyad , Cimaamad iyo UL Leh Anigu ISIM Baan Ahay Ayaa Na Wareerisay .. Sidee Lo Kala Saarayaa +DHAGAYSO

IMG_3524-697x464
01-01-2014 Garowe (Bnn) Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse oo maanta ka hadley xafladdii dhaarta ayaa ka sheekeeyey Guddiga khilaafaadka, isaga oo ku amaaney doorka ay qabteen laakiin ay hilmaameen doorkii Isimmada. Waa shaqo adag in 160 qof la kala saaro, ayuu yiri. qaladaad ha iska dheceen.

Cadde Muuse ayaa sheegey in Isimmadu ay noqdeen kuwo tiro beelay, waagii hore waxaa jirey 7 ilamaa 12 isim oo keliya, waxaan lee yahay anigu Isimmadan badanoow walaalayaal ka fariista odoyaashiina.

Mar Cadde Muuse soo hadal qaadey wada hadalkii dhexmaray isaga iyo Faroole ayuu yiri “Fadhigii aniga iyo Madaxweyne Cabdiraxaan aanu ku xalineyneyn khilaafkayaga waxaa la geliyey hadal waa naga boodey iyo wax la mid ah taasna wuxuu ku sheegey mid aan loo baahneyn.

Baarlamaanka cusub ayuu kula taliyey in ay danta dalka ka shaqeeyaan oo aysan madaxtooyada hadhoow u kala dhuuman, waxaana uu kala taliyey Cadde Muuse in ay doortaan qof dalka hoggaamin kara si xaq ahna u doortaan, waa la idin kala baranayaa maalmaha soo socda qofwalba waxa uu yahay ayuu kula kaftamey.

Gen.Cadde Muuse ayaa iska fogeeyey in uu yahay hoggaamiyaha Mucaaradka anigu dhex ayaan ahay, manta waxaana doonayaa Puntland in doorasho wanaagsan oo lagu wada qanco ka dhalato.


Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 20 February 2014 10:00
Wednesday, 27 November 2013 11:35
Friday, 25 April 2014 20:01
Sunday, 02 March 2014 09:29
Monday, 28 October 2013 19:16
Saturday, 19 July 2014 17:29
Thursday, 26 December 2013 02:17
Monday, 04 November 2013 09:57
Thursday, 05 June 2014 03:05
Wednesday, 12 February 2014 22:58