BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

XOG:Madaxweyne Siilaanyo Oo Waqti U Qabtay Isku Shaandhayn Uu Ku Sameeyo Golaha Xukumadiisa Iyo Waqtigaasi Oo .....WARBIXIN

siilaanyo_iyo_saleebaan_gaal02-01-2014 (BNN) Warar naga soo gaadhaya Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo oo Ilo lagu kalsoon yahay ay Boramanews usoo gudbiyeen,ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo balan qaaday isbadal isku shaandhayn ah oo uu ku samaynayo Golaha wasiirada ee xukuumadiisa.

Warkani oo ah mid si wayn loogu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu go,aansaday isabadalka inuu sameeyo kadib marka lasoo afmeero shirwaynaha Xisbiga Kulmiye oo dhacay bishani koowaad 21keeda.

Lama sheegin in Madaxweyne Siilaanyo cadaadis caalami ah lagu saaray in uu isbadal cadaalad ku dhisan wax qaybiyo xukuumadiisa oo lagu tiriyo tii ugu horaysay ee Somaliland oo dhinac ka raran.Warku Ma sheegin isbadalka Siilaanyo soo wado cida ay saamayn doonto.Madaxweyne Siilaanyo oo cadaadiska saluuga mansabyadu kaga imanayaan beelaha Somaliland ayaa la sheegayaa in uu ka daalay cambaaraynta iyo fariimaha bulshada Somaliland ee xaga dawladiisa.

Hore qaar ka mida Salaadiinta Awdal  ayaa sheegay in Siilaanyo qaybintiisu noqotay Qaybiyaa dharga.


Cabdiraxman X.Xasan (SUUL)

Boramanews/Facebook

 

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 28 October 2013 00:23
Monday, 10 March 2014 22:58
Friday, 20 September 2013 02:37
Saturday, 19 April 2014 20:08
Monday, 26 May 2014 16:22
Saturday, 19 October 2013 14:55
Thursday, 24 April 2014 15:13
Wednesday, 12 March 2014 13:20
Saturday, 05 October 2013 08:48
Friday, 27 September 2013 16:13