BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BURCO:Kala Qaybsanaanta Shacabka Burco Oo Meel Halisa Gaadhay Iyo Siyaasiyiin Farta Ku Fiiqay Meesha Dhibaatadu Kasoo Burqamayso (WARBXIN)

siilaanyo_kulmiye02-01-2014 (BNN) Magaalada Burco oo ah xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa ka muuqata kala qaybsanaantii ugu waynayd abid tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga.Shacabka Burco oo lagu yaqaano dad qayb wayn ka qaatay dhisidii iyo ku dhawaaqistii Somaliland ayaa hadana ay legdatay khilaaf wayn oo qabyaalad ku salaysan.Magaalada Burco oo labo beelood ku tartamayaan ayaa Bari iyo Galbeed u kala aroorta.Kala qaybsanaanta bulshada Burco ayaa la sheegayaa in ay kow ka noqotay kadib markii Madaxweyne Siilaanyo fuulay kursiga Madaxtinimada Somaliland,taasi oo qayb ka mida bulshada Burco sheegtay in uu si qaawan ugu eexday beeshiisa Bariga,eedahani ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Siilaanyo ka gilgishay isla markaana ay mucaaradku cod dheer ku sheegeen in Siilaanyo Somaliland maamuli karin sobobtoo ah waxa ay yidhaahdeen waxa uu ku fashilmay oo uu dejin kari waayay in uu mideeyo oo uu walaaleeyo bulshada walaalaha ah ee reer Burco.

Khilaafka shacabka dhiiran ee reer Burco waxa uu si wayn usoo baxay kadib markii ciyaartoyga xulka gobolka Burco ay dagaal gacan kahadal ah iskula tageen iyagoo ukala saftay beelo iska soo hotjeeda.Siyaasiyiinta qaar ayaa ku doodaya in xukuumada Siilaanyo aysan qarsan qabyaalad ay dhexdhigtay dhalinyaradaasi kadib markii qayb ka mida si fiican loo maamuusay qayb kalena la dayacay.

Fadeexada Siilaanyo ka haysata Magaalada Burco ayaa lafjab ku noqotay in uu weeraro oo uu iska dhiciyo mucaaradka,oo si fudud farta ugu fiiqa ceebta xukuumadiisa ka haysata Burco.Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegayo inuu beeshiisa si qaawan ugu taxay xilalkii ugu muhiimsanaa ee Gobolkaasi ayaa ay lasoo deristay cambaarayn xoog badan oo kaga imanaysa odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Somaliland,Taasi oo ay ka dambaysay kadib markii mudaharaad lagala hortagay badelid lagu Sameeyay masuul ka tirsan Booliiska Burco.

Siilaanyo ayaa isku dayaya in uu damiyo isla markaana iska aaso fadeexada ka haysata maamulkiisa deegaanka uu ka yimid ee Togdheer.Isla markaana waxa uu Xalay magaalada u Diray wasiirkiisa Madaxtooyada si uu usoo baadho sida ugu fudud ee xal looga gaadhi karo shaqaaqada iyo kala qaybsanaanta Gobolka Togdheer.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa inta uu xilka qabtay ay Somaliland sii kala furfurantay,waxaana bilo yar gudahood lagu dhawaaqay Maamulka Awdalstate,kadibna Maakhirstate ugu dambayntiina Khaatumostate,Taasi oo shacabka iyo Siyaasiyiinta Somaliland ku macneeyeen fashil siyaasadeed oo Siilaanyo hormood ka yahay.


Cali Mustafe Maxamud

Boramanews Desk

 

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 28 September 2014 09:38
Sunday, 14 September 2014 15:11
Monday, 25 November 2013 22:33
Thursday, 20 February 2014 12:57
Wednesday, 21 August 2013 17:30
Thursday, 03 October 2013 14:09
Monday, 23 December 2013 23:16
Friday, 28 February 2014 19:44
Thursday, 13 February 2014 20:59
Monday, 23 June 2014 00:31