BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Dhimashada 5 Qof Oo Masuuliyiin Ku Jirto iyo Dhaawac Farabadan Oo Qarax Gaadhi Ismiidaamin Ah Lala Beegsaday Hotel Al Jazeera Muqdisho Oo Ay Degenyihiin Wasiiro iyo Xildhibaan +SAWIRRO

02-01-2014 Muqdisho (Bnn) Waxaa Xalay ilaa hada la Xaqiijiyay illaa Shan Qof oo ku geeriyooday Qaraxyaddii ka dhacay Afaafka hore ee Hotelka Jasiira Place ee Magaalada Muqdisho.

War ay Dowladda Faafisay Caawa ayaa lagu sheegay in Shan Qof ay ku Nafwaayeen Qaraxyaddi Caawa fiidkii ka dhacay Hotelka ugu Caansan Magaalada Muqdisho, halka ugu yaraan 25 Qof ay ku dhaawacmeen, inkasto Wararka Muqdisho naga soo gaadhayaa ay sheegayaan in ugu yaraan 11 Qof ay ku dhinteen Qaraxyadda.

Qaraxyaddaan oo xigay Is-rasaaseyn Xoogan ayaa ka dhacay Afaafka hore ee Hotelkaan oo ku dhow Garoonka Muqdisho, kaasi oo ay Degenyihiin Xildhibaano, Diblomaasiyiin iyo Wasiiro.

Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan oo Magaaladoo dhan laga maqlay, wuxuuna sheegay in Qaraxa uu Gilgilay Hotelka.

Wararka ilaa iyo haatan laga helayo Hotelka ayaa sheegaya in Qaraxii Koowaad loo adeegsaday Gaari Ismiidaamin ah, kaasi oo la dhigay Dhabarka danbe ee Hotel-ka. Waxaa ku xigay Qarax Labaad, kaasi oo lala eegtay Ciidamada usoo gurmaday Weerarka Hotel Jazeera.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay isugu jireen Shacab iyo Ciidammo ilaalo ka hayay Hoteelka.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka, oo lagu magacaabo Sheekh Bashiir Cadow Calasow uu kamid yahay Dadka ku dhaawacmay Qaraxa Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Hotel Jazeera.

Ciidamada AMISOM ayaa gaaray Goobta ay Qaraxyadda ka dhaceen, waxaana dhaawacyada loo qaadey Isbitaalka Madiina iyo Isbitaal ay AMISOM ku leeyihiin Xarunta Xalane.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo arxan-darro ah, wuxuuna sheegay in ciidamada Dowladda ay ku guuleysteen inay yareeyaan khasaaraha weerarradaas, halka Wabaahinta Dowladda ay Qortay in Dowladda Federaalka ay "Fashilisay Weerar Argagixiso".

Argagixisada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin Weerarka Caawa, balse Dowladda Federaalka ayaa Qaraxyaddaan ku eedeesay Kooxda Al-Shabaab.

Bishii September ee Sanadkii 2012, waxaa Qaraxyo Ismiidaamin ah lagula eegtay isla Hotelkaan oo 200 oo Meter u jira Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo Labo Maalin Xafiiska .
sawirrada_qaraxii_hotelka2

sawirrada_qaraxii_hotelka1
qaraxa_jaaaziiraqaraxa_jaaaziira1


AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 25 January 2014 19:18
Saturday, 22 February 2014 17:16
Friday, 14 February 2014 16:06
Friday, 18 October 2013 22:40
Friday, 07 February 2014 23:59
Friday, 06 September 2013 01:30
Monday, 12 August 2013 23:01
Thursday, 07 November 2013 17:09
Monday, 11 November 2013 18:03
Thursday, 13 February 2014 08:08