BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

HARGEYSA: Hanti Dhowrka Somaliland Oo Qabtay Gaadiid Lagu Cashuuray Laguna Soo Dajiyay Waraaqo Been Abuuro ,Taariko iyo Sharci Bug Ah iyo Kuwa Adeegsada ..

hanti_dhowraha_sl02-01-2014 Hargeysa (Bnn) Hanti-dhawraha guud ee Somaliland Maxamuud  Aw Cabdi (Maxamuud Dheere) ayaa sheegay in ay qabteen gaadiid si sharci darro ah dalka loo soo galiyay  oo loo sameeyay waraaqo been abuura ah taarikada Somaliland oo been abuur ah.

Hanti-dhawraha Guud oo u waramayay warbaahinta qaar waxa uu sheegay inay qabteen Gaadiid   lagu xidhay taariko been abuur ah oo loo sameeyay sharci been abuura. Waxaan isagoo arrimahaa kahadlaya yihdi,

“muddo dheer ayaanu daba taagnayn (ducoments) been abuura oo la sameeyo oo lagu lunsado canshuurta , kuwaas oo gaarsiisnaa ilaa xafiisyada dhamaantood inta shaambadahooda la samaysto, sida buugaagta wadista baabuurta (lisanada), buugaagta mulkiyadaha iyo kuwa buugaagta lacag qabashada” ayuu yidhi Hanti-dhawraha guud, waxaanu intaasi kudaray,

“dabadeena inta loo sameeyo si xarfadaysan oo baabuur loogu xidho dalka lagu soogaliyo iyagoo bilaa canshuura, runtii mudaan daba socday arrin  adag ayay ahayd muddo dheer ayay socotay dad badan ayaanu u xidh-xidhanay oo arrintaa ku eedaynay hadana waxaanu helnay baabuurtii qaatay nidaamkaa oo arrintoodii hada gacanta ku hayno”.

Maxamuud Dheere waxa uu intaas ku daray in darawaladii baabuurtan oo ay iyagana qabteen ay xidhan yihiin isla markaana ay u gudbin doonaan dacwadooda maxkamadaha si loo mariyo ciqaabta sharci ee sida uu tilmaamay jariimada ay galayso.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 27 January 2014 19:36
Monday, 31 March 2014 19:40
Saturday, 11 October 2014 11:30
Sunday, 17 August 2014 04:49
Friday, 19 September 2014 07:25
Wednesday, 18 June 2014 20:55
Saturday, 15 March 2014 12:48
Monday, 04 August 2014 12:47
Saturday, 07 June 2014 14:47
Friday, 10 October 2014 22:07