BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

“Bishan January Dhexdeeda ayey Dhacayaan Wada-hadalladii Somalia iyo Somaliland, Rajadayaduna Waa..” Madaxweynaha Soomaaliya +WARAYSI DHAGAYSO

xasan_sheekh_farta02-01-2014 Muqdisho (Bnn) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Wada-hadalladii Dhex marayey somalia iyo Somaliland oo muddo Hakad Galay.

DHAGAYSO:

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.



Madaxweyne Xasan oo waraysi siinayey Idaacadda BBC-da ayaa sheegay inay somalia iyo somaliland Wada-hadalladoodu maraaxil kala duwan soo mareen, isagoo tilmaamay inuu rajo fiican ka qabo kuwa soo socda, “Somalia iyo Somaliland Dhawr Jeer Bay Soo Wada Hadleen oo ay wada hadallo dadban iyo qaar toos ahba soo galeen, rajadeenuna aad bay u badan tahay,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si toos ah u sheegay in wada Hadalladii u dhexeeye somalia iyo Somaliland ay Bishan January ka dhici doonaan Magaalad Stanbul, waxana uu farta ku fiiqay in wax cusub la soo kordhin doono, waxana uu yidhi, “ Haddana Turki baa Loo Socdaa, waxyaabihii lagu soo heshiiyeyna waa laga Hadli doonaa Wax cusbna waa lagu soo Kordhin Doonaa. bishan January Dhexdeeda ayeyna ka dhici doonaa Stanbul Wada-hadalladii.”

Hadalkan madaxweyne Xasan sheekh ayaa ah Yiddidiilo cusub oo gashay dhamaanba dadka reer somaliland iy kuwa somalia, maadaama dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya in somalia ay wada hadalladii dib uga baxday, waxana haatan muuqata in dhawaan labada dhinac aykulmi doonaan sida uu madaxweynuhuba sheegay.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 30 March 2014 13:22
Sunday, 22 June 2014 01:48
Monday, 28 April 2014 18:37
Monday, 14 July 2014 07:41
Friday, 04 October 2013 16:48
Thursday, 08 May 2014 16:26
Wednesday, 23 April 2014 12:16
Monday, 19 August 2013 00:18
Tuesday, 10 June 2014 06:23
Saturday, 24 August 2013 20:15