BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

WAR DEGDEGA-Madaxweynihii Kaltanka Ahaa Ee Maamulka Khaatumostate Oo Iska Dhiibay Magaalada Garoowe Iyo Puntland Oo Si Heer Sare Ah Usoo Dhawaysay (SAWIR)

breakingnews202-1-2013 (BNN) Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ahaa Madaxweynayaashii kaltanka ahaa ee Maamulka Khaatumo ayaa maanta yimid caasimadda Puntland ee Garoowe. Axmed Karaash ayaa looga hortegey banaanka hore ee magaalada waxaana soo dhaweeyey qaar kamid ah Xukuumadda waqtigeedi gabaabsiga yahay iyo siyaasiyiin kale.
Axmed Karaash ayaa weli sheegta in uu yahay Madaxweynaha Khaatumo State, kaas oo markii la dhisaayey uu sheegey in uu yahay mid gaar u ah Beelaha Sool Sanaag iyo Cayn dega ee Dhulbahante kana madaxbanaan mamulada deriska la ah.

karaash1-697x392Axmed Cilmi Cismaan oo ka mid ahaa Goliohii Wasiirada ee u horeeyey ee Madaxweyne Faroole soo dhiso sanadkii 2009, ayaa booqasho ku tegey Madaxtooyada waxaana uu kulan la qaatey Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanyo Dr.Faroole, lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Siyaasiyiinta qaarkood ee garoowe ku sugan ayaa sheegaya in ay dhici karto in dhismihi Khaatumo State uu gacan ku lahaa Madaxweyne Faroole isla markaana ka shaqeeyey in Puntland kala go’do, Axmed Karaashna uu isaga halkaas u metalaayey maadaama maanta uu Garoowe ugu soo dhaweeyey sidii Madaxweyne.
Maamulka Khaatumo ayaa waxaa dhex-galay khilaaf weyn oo saameyey xaruntii maamulkaas lagu dhisey, waxaa la aaminsan yahay in isbedelka dhaw ee Puntland ka socda uu saameyn ku yeeshay.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews@gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 04 May 2014 22:30
Tuesday, 03 December 2013 07:38
Friday, 27 June 2014 10:16
Tuesday, 07 January 2014 13:01
Monday, 11 November 2013 18:32
Thursday, 21 November 2013 07:53
Wednesday, 04 December 2013 17:47
Sunday, 23 February 2014 18:56
Friday, 14 March 2014 07:48
Thursday, 06 March 2014 00:28