DHAGAYSO: Madaxweynihii Kaltanka Ahaa Ee Khaatumo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoowe "Khaatumo iyo Puntland Isku Mid Weeyi.. Khiyaamo iyo Khaatumo Ayaa La Isku Khaldaa.. +WARBIXIN +SAWIRRO

karaash1-697x392

02-01-2013 Garowe (Bnn) Axmed Cilmi Cismaan

(Karaash) oo ahaa Madaxweynayaashii kaltanka ahaa ee Maamulka Khaatumo ayaa maanta yimid caasimadda Puntland ee Garoowe. Axmed Karaash ayaa looga hortegey banaanka hore ee magaalada waxaana soo dhaweeyey qaar kamid ah Xukuumadda waqtigeedi gabaabsiga yahay iyo siyaasiyiin kale.

----Dhageys---- 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.



Axmed Karaash ayaa weli ah Madaxweynaha Khaatumo State, kaas oo markii la dhisaayey uu sheegey in uu yahay mid gaar u ah Beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn dega ee Dhulbahante kana madaxbanaan maamulada deriska la ah, waxaana uu ahaa mabd’a uu ku dhisnaa maamulkaasi.


Guddoomiyaha Gobolka Nugaal oo hadal soo dhaweyn ah u sameeyey ayaa yiri: “Mudane ku soo dhawoow caasimadda Punrland, waaaana kaaga mahad celineynaa muddadii aad halganka uga maqneyd”!.

Axmed Karaash oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay, in uu yimid isaga oo hoggaaminaaya Beesha Ugaaryahan oo aan cidi ka maqneyn, waxaa naga maqan Garaadkii guud ee beesha garaad Saleebaan oo isaguna naga daba imaan doona ayuu yiri Axmed Karaash

Axmed Karaash ayaa hoosta ka xariiqey in aysan markii horeba aysan ka maqneyn meesha, halganka uu sheegay Guddoomiyuhu waa run kaas ayaan ku maqneyn markii horeba waan isu ogeyn anaga iyo Garoowe ayuu yiri Axmed Karaash, laakiin waxaa jirta maamul la yiraahdo Khiyaano, kaas oo hagar daamo nagu ahaa.

Axmed Cilmi Cismaan oo ka mid ahaa Golihii Wasiirada ee u horeeyey ee Madaxweyne Faroole soo dhiso sanadkii 2009, ayaa booqasho ku tegey Madaxtooyada waxaana uu kulan la qaatey Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanyo Dr.Faroole, lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Siyaasiyiinta qaarkood ee Garoowe ku sugan ayaa ku doodaya in ay dhici karto in dhismihi Khaatumo State uu gacan ku lahaa Madaxweyne Faroole isla markaana ka shaqeeyey in Puntland kala go’do, Axmed Karaashna uu isaga halkaas u metalaayey maadaama maanta uu Garoowe ugu soo dhaweeyey sidii Madaxweyne.

Maamulka Khaatumo ayaa waxaa dhex-galay khilaaf weyn oo saameyey xaruntii maamulkaas lagu dhisey, waxaa la aaminsan yahay in isbedelka dhaw ee Puntland ka socda uu saameyn ku yeeshay

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 04 September 2013 14:51
Friday, 25 July 2014 13:40
Tuesday, 02 September 2014 17:11
Saturday, 09 August 2014 10:35
Tuesday, 07 January 2014 14:21
Saturday, 26 April 2014 13:54
Monday, 19 May 2014 18:23
Monday, 09 September 2013 15:09
Friday, 27 June 2014 11:48
Thursday, 19 December 2013 16:34