BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

DAAWO: Ciidamada Badda Ee Dalka Talyaaniga oo Badbaadiyay 233 Tahriibayaal ay Ku Jiraan Soomaali +VIDEO +WARBIXIN

03-01-2013 lama_du_sa_34Lampedusa (Bnn) Ciidamada badda ee dalka Talyaaniga ayaa badbaadiya illaa iyo 233 muhaajiriin Afrikaan oo ay qeyb ka yihiin  Soomaali,waxaana la badbaadiyey xilli doonidii ay la socdeen ay ka agdhaweyd xeebta jaziradda Lampedusa.

Waxaa la sheegay in dadkaan laga badbaadiyey xilli doonidii ay la socdeen ay sabeynaysay,waxaana la sheegay dadka doonta sarna inay isagu jireen dad ka soo jeeday wadamada Eritrea, Nigeria, Somalia, Zambia iyo Mali iyo weliba dalka Pakistan.

Muhaajiriintan wali ku soo qul qulmaysa dalka Talyaaniga ayaa ah mid wali sii socota,waxaana la sheegay in dadka soo gaadhaya Talyaaniga kana imanaya waqooyiga Afrika ay saddex jibaarmay sannadkii dhamaaday ee 2013.

Sidoo kale waxaa war ka soo baxay dalka Talyaaniga lugu sheegay inay sii kordhayaan qaxooti ka imanaya dagaalada sokeeye ee dalka Syria.

Ciidamada badda dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in doonta ay xilligaan badbaadiyen ay tahay tii ugu horreysay ee soo gaadha xeebaha Talyaaniga sannadkan cusub ee 2014.

Wali waxaa la xasuusan yahay geerida 366 tahriibayal ah kuwaaso u dhashey dalka Eritrean,waxaana geeridooda ay timid kaddib markii doon ay saarnaayeen ay kula degtay xeebta jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 25 July 2014 03:06
Friday, 25 July 2014 20:10
Monday, 09 December 2013 03:59
Wednesday, 06 August 2014 15:55
Thursday, 13 February 2014 11:32
Wednesday, 15 January 2014 15:41
Monday, 07 April 2014 13:05
Friday, 23 August 2013 18:39
Friday, 06 December 2013 05:41
Saturday, 04 January 2014 23:27