BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Maktabada Machadu Saylac Ee Magaalada Boorama Oo Deeq Kutub Ah La Soo Gaadhsiiyay +SAWIRRO

maktabada_small_4

Borama (Bnn) Qaar ka mid ah haween muxsiniin Soomaaliya ayaa deeq kitaab culuumta diinta islaamka ah soo gaadhsiiyay Maktabada machadu Saylac ee Magaalada Boorama waxaana deeqdaas ka gudoomiyaha maamulka Machadka Saylac iyo Qaar ka mid ah culumada Reer Awdal.

Munaasabadan aya ugu horeyn waxaa ka hadlay maamulaha guud ee Maktabada Iyo Machadka Saylac Sheekh Xasan Khayre Dirir waxa uuna ka warbixiyay deeqdan kitaabta ah iyo halka ay ka timid isaga oo sheegay in ay deeqdan kitaabta ah ee culuumta diiniga islaamka ay soo gaadhsiiyeen gabdho muxsiniin Soomaaliya oo degen magaalada Damaam ee dalka Sacuudi Arabiya.

Sheekha ayaa sidoo kale gabdhahaas alle uga baryay in kitaabtaas ay la soo baxeen alle in miisaanka xasanaadka ugu daro waxa kale oo uu umada soomaalida iyo islaamka ugu baaqay in ay ku daydaan haweenkaas kuna soo deeqaan kitaab laga faa’iidaysto oo u noqoto sadaqa jaariya.

Sidoo kale waxaa iyagna hadalo mahadnaq ah u soo jeediyay haweenka Soomaaliyeed Ee Reer Damaam Sheekh Xasan Daheeye Axmed,Sheekh Maxamed Yuusuf , Sheekh Maxamed Daahir Dhawal Iyo Sheekh Maxamed Xaaji Abiibakar waxa ayna dhamaantood alle gabdhahaas uga baryeen in kutubtaas ay soo direen in alle ajar iyo sadaqa joogta ah uga yeelo miisaanka xasanaadkana maalinta qiyaamaha alle ugu daro.

Deeqdan kutubta ah ayaa wax wayn ka tari doonta maktabadan Saylac oo ay ardayda wax ka barata machadka barashada Culuumtta Diinta islaamka iyo luqada Carabiga ee Saylac ay meel u noqdaan oo ay baadhis cilmiyeed ka sameeyaan waxaana ay hablahani mudan yihiin ku dayasho wacan.

maktabada_1maktabada_1maktabada_1maktabada_1maktabada_1maktabada_1maktabada_1maktabada_1maktabada_1

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 22 December 2013 17:00
Friday, 01 November 2013 17:27
Tuesday, 12 November 2013 21:01
Monday, 17 February 2014 09:22
Saturday, 01 March 2014 09:06
Monday, 21 July 2014 13:51
Tuesday, 14 January 2014 18:52
Thursday, 30 January 2014 09:41
Saturday, 10 August 2013 17:00
Sunday, 13 April 2014 21:33