BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Askari Kenyaan ah oo Loo Haysto inuu Xidhiidh la Leeyahay Al Shabaab Kana Caawinayay Weeraro Ay ka Geysteen Gudaha Dalka Kenya

askari_3403-01-2014 Nairobi (Bnn) Ciidamada dalka Kenya ay xabsiga dhigay askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Kenya,booliska ayaa askarigan ku xidhay xerada qaxootiga Xagardheer,waxaana la sheegay inuu xidhidh wada shaqeyned la leeyahay kooxda Soomaaliya la dagaallanta ee Al Shabaab.

Madaxa booliska Dhadhaab Kalicha Roba ayaa u sheegay warbaahinta,in xadhigaan askarigaan inuu yimid kaddib markii si dhow dabagal loogu sameeyay dhaqdhaqaaqiisa iyo xidhiidhadiisa.

Askariga xilligaan loo haysto inuu xidhiidh la leeyahay Al Shabaab ayaa waxaa lugu magacaaba Faynuus Dubbad,waxaana ku socda wali baaritaanno isagoo looga shakisan yahay inuu kala shaqeynayay Al Shabaab qorshe ku saabsan sidii ay weerarro uga geysan lahayd gobolka waqooyi-bari Kenya, wargeyska The Star ayaa sheegay.

Ninkaan ka tirsana askarta dalka Kenya ayaa isagu horrey looga eryey shaqada askarinimo kaddib markii sannadkii 2005 uu ka hor yimid shuruucda iyo anshaxa ciidanka milateriga.

Sidoo kale war ka soo baxay booliska waxaa lugu sheegay inay rumaysan yihiin in Faynuus uu billaabay inuu la shaqeeyo Xarakada Al Shabaab kaddib markii uu ka tagay milateriga.

“Waan hubna wax walba,baaritaan iyo daba gal ayaana ku sameynay waxaana macluumaadka aan hayno ay muujinaya in Faynuus Dubbad uu yahay nin aad u halis badan oo mas’uul ka ah dilalkii ka dhacay Gaarisa,” Robo ayaa yiri. “Waxaa laga saaray milateriga kaddib markii uu ka baxsaday ciidanka.”ayuu raaciyey hadalkiisa

Si kataba dalka Kenya gaar ahaana gobolka waqooyi-bari,waxaa muddooyinki danbe ka dhacayey weerarro ay geysanayeen Al shabaab iyadoona ciidanka dalkaasi Kenya ay sheegayeen inay jiraan dhinacyo ciidanka ka tirsan oo fududeeya howlgallka Al Shabaab ay ka fulinayan guddaha dalka.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 27 March 2014 13:29
Friday, 10 January 2014 11:32
Wednesday, 04 December 2013 17:23
Thursday, 15 August 2013 08:42
Thursday, 31 October 2013 04:26
Saturday, 22 March 2014 20:00
Thursday, 16 January 2014 23:22
Tuesday, 18 February 2014 09:12
Friday, 18 April 2014 03:55
Saturday, 12 April 2014 06:38