BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

DAAWO :Muuqaalka iyo Magacda Labo Nin Oo Soomaali ah Oo Deganaa Dhismihii Gubtay Magaalada Minneapolis Oo la Laayahay iyo Meydadka Labada Qof Oo Laga Helay Dhismihii +VIDEO

saiwrr_da_iyo_304-01-2014 Minneapolis (Bnn) Meydka laba qof oo la filayo inay ahaayeen Soomaali la baadigoobayay oo ku geeriyootey dabkii dhawaantaan ka dhacay xaafada ay Soomaalidu ka degan tahay magaalada Minneapolis ayaa waxaa la sheegay in laga soo saaray bur burka dhismihii uu dhawaantaan dabku baabi'iyey.

Meydka labadaan qof oo ay soo saareen ciidamada dab damiska iyo qolooyinka gurmadka ee baadhitaanka ku samaynaysay dhismahaas gubtey ayaa waxaan kala cadeyn cida ay yihiin labadaas qof ilaa iyo hada waxaa jirey laba qof oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Axmed Faarax Cali iyo Mirimiri Jaamac Faarax labadaan nin oo ku noolaa dhismahaas gubtay ayaa waxaa la sheegay in markii cid ugu war dambeysay inay ku sugnaayeen dhismahaas gubtay iyadoona aan wali la ogeyn meel jaan iyo cidhib ay dhigeen labadaas nin lagana cabsi qabo inay ku dhinteen dabkaas ka kacay dhismahaas, Xawo Dakhare oo ah haweeneyda uu qabo ninka lagu magacaabo Axmed Faarax Cali oo wali la la'a yahay ayaa waxay warbaahinta ay u sheegtay inay ka wel wel san tahay xaalada ninkeeda oo aysan meelna ku sheegi karin ilaa iyo markii uu dabkaas ka qarxay dhismaha uu deganaa ninkeedu iyadoo ku eedeysay heyadaha gargaarka iyo booliiska inay ka gaabiyeen inay warbixin ka siiyaan xaalada ninkeeda oo ay u cabsi qabto noloshiisa.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 26 January 2014 21:13
Saturday, 08 March 2014 12:52
Wednesday, 11 September 2013 21:13
Saturday, 30 August 2014 19:14
Wednesday, 12 February 2014 21:58
Friday, 23 May 2014 17:22
Sunday, 12 January 2014 22:57
Wednesday, 17 September 2014 23:46
Thursday, 23 October 2014 13:44
Saturday, 13 September 2014 12:30