BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

DAAWO SAWIRRADA.: Baarlamaanka Cusub Ee Puntland Oo Saaka Doortay Gudoomiye Cusub Oo Cod Aqlabiyada Kaga Guuleystay Gudoomiyihii Hore Oo La Tartamayay

04-01-2014 Garowe (Bnn) Siciid Xasan Shire ayaa ku guuleystey doorasho Marathon ah oo maanta ka dhacdey aqalka Golaha Wakiilada ee Puntland, taas oo martey saddex wareeg. Siciid Xassan ayaa wareega saddexaad kula tartamey Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Wareegii saddexaad ayaa Siciid Xasan Shire heley codad ku filan oo gaaraya 40 cod, halka Cabdirashiid Maxamed Xirsi helay 26 cod oo keliya, waxaa looga baahna qofka guushu raaceyso in uu helo cod dheeri 66 Xildhibaan.

Kadib markii Shire ku guuleystey in uu noqdo Afhayeenka Baarlamaanka ayaa loo dhaariyey xilkaas, waxaana lagu soo fariisiyey kursiga Afhayeenka. Siciid Shire ayaa u mahad celiyey Xildhibaanada doortey iyo kuwa aan dooranba, dhamaantiina waxaan ahay Afhayeenkiini ayuu yiri Shire.

“Waxaan doonayaa in la ila shaqeeyo oo aad ii soo duceysaan, anigu hanbalyo uma baahni” ayuu yiri Shire khudbad kooban oo uu Xildhibaanada u jeediyey

Afhayeenkii hore ee laga guulesytey Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa dhankiisa sheegey in uu ku faraxsan yahay qaabka doorashadu u dhacdey, waxaana u qirey in laga guulestey, waxaana uu hanbalyo u direy Siciid Xasan Shire ee tartanka ku guuleystey.

Siciid Xasan Shire ayaa ah siyaasi ruug cadaa ah muddo dheerna ku soo jirey Siyaasadda Soomaaliya, Sanadkii 2000 ayuu ka mid noqdey Baarlamaankii lagu soo dhisey Tuulada Carta ee dalka Jabuuti. Sidoo kale waxa uu mar labaad noqdey Xildhibaan Dowladda Federaalka ahayd ee lagu soo dhisey dalka Kenya 2004, waxaana Xukuumaddihii Cali Maxamed Geedi/Nuur Cadde uu ka noqdey Wasiir iyo Wasiir kuxigeen.

Siciid Xasan Shire ayaa iska casiley Xildhibaanimadii Dowladda federaalka sanadkii 2010, waxaana u dib ugu soo noqdey Puntland. Siciid Xasan Shire ayaa mar kale ka soo muuqdey Siyaasadda waxaana Madaxweyne Faroole u magacaabey Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland, xilkaas oo uu hayey tan iyo hadda oo loo doortey afhayeenka Baarlamaanka Puntland. Afhayeenka cusub ayaa ka soo galey Baarlamaanka Gobolka Sanaag/Haylaan.

Baarlamaanka ayaa isla maanta dooranaya labada guddoomiye kuxigeen oo ay u taagan yihiin Xildhibaano ka soo galay Baarlamaanka Gobolada Sool/Cayn iyo Bari/Karkaar.
siciid_xasann_p4
siciid_xasann_p2siciid_xasann_p3
siciid_xasann_p1

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 04 September 2013 16:13
Thursday, 03 April 2014 15:59
Thursday, 05 December 2013 05:02
Thursday, 31 October 2013 15:02
Monday, 21 October 2013 23:58
Monday, 02 September 2013 20:13
Monday, 09 September 2013 15:18
Saturday, 12 April 2014 19:18
Wednesday, 16 October 2013 22:39
Tuesday, 11 February 2014 19:11