DAAWO : Maamulka Skype Oo Qiratay In La Jabsaday Oo Loo Dhacay Macluumaadkooda Iyo Accouno Ay Lahaayeen Macaamiishooda Adeegsada Skype iyo Ciidanka Suuriya Oo Sheegay Iney Dhaceen VIDEO +WARBIXIN

siirana_iyo_ske05-01-2014 London (Bnn) Kooxaha la magac baxay ciidamada Korontada ee Siiriya ayaa shaaca ka qaaday inay jabsadeen akoono dhowr ah oo ay leedahay shabakada lagu bulsheeyo ee skpe.

Kooxahaas ayaa tilmaamay inay si aada ugu digteen , maamulka shabakadaas oo laga doonayay xakameynta cidii ku soo xadgudbeysa accounadooda.

Boga twitterka ee skpe-ga ayaa lagu arkay qoraalo naxdin ku beeray shaqaalaha shabakadaasi.

Ha isticmaalin Emailada Microsoftiga sida hotmail iyo outlook maxaa yeelay dadka iska leh ayaa la socda qoraaladaada oo dowladaha ka iibsada ayaa lagu yiri , fariin lagu qoray twitterka skpe.

Fariimo caynkaas oo kala ah ayaa lagu qoray boga ay shabakadaasi ku leedahay Facebook-ga.

Skpe ayaa raacsan Microsofta , fariimahaan lagu qoray accounadiisa ayaa u muuqanda kuwa lagu cabsi galinayo macaamiisha shirkadaas oo door bidaya in aan sirtooda la ogaan.

Maamulka skpe ayaa qiray in lagu soo xadgudbay soohdintooda hawada oo xataa la jabsaday acounadooda hasa ahaatee waxay sheegeen inaan la ogaanin xogtooda.

Ciidamada Korontada Siiriya ayaa taageera M/Weynaha dalkaas Bishaar Xaafid Al-asad.

Madaxii fulinta ee shirkada Microsoftiga Steve Ballmer oo hadda howl gab noday ayaa barta uu tweeterka ku leeyahay fariin ugu diray dadka macaamiisha u ah Microsoft.

Waxaad uga mahad celin kareysaa Microsoft inay daalacdaan Emailada , ayuu ku baahiyay bogiisa Tweeter-ka Steve Ballmar.

Xog uu daah rogay Edward Snowden ayaa sidoo kale muujineysay in Aalada skpe ay qeyb ka tahay shabakadaha ay macluumaadka ku xadaan sirdoonka Mareykanka.

Wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay shirkada Microsoftiga uu ku tilmaamay combany khiyaanaya macaamiishiisa.

Ciidamada Korontada ee dalka Siiriya ee hadda daah rogay arintan ayaa caan ku ah falalka ay ku jabsanayaan accounada.

Shirkadaha warbaahinta ee BBC iyo Newyork times ayayna dhowr jeer oo hore jabsadeen taas oo keentay in dunida laga barto oo lagu tilmaamo dad khatar ah oo technolojiyada casriga ah u saamaxday inay ku xad gudbaan shabakada caalami ah oo aan iska jirin weerarkooda.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 23 April 2014 16:52
Wednesday, 18 December 2013 05:12
Saturday, 07 June 2014 14:47
Monday, 06 October 2014 19:43
Monday, 12 May 2014 10:33
Monday, 30 September 2013 12:19
Friday, 07 March 2014 08:43
Tuesday, 11 February 2014 05:10
Sunday, 08 June 2014 19:15
Thursday, 19 June 2014 01:56