BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

WAR-SAXAAFADEED: Raysal Wasaaraha Soomaaliya “Si dhow ayaan ula socday doorashadii Guddoonka Baarlamanka Puntland “

raysal_wasaaraha_be05-01-2014 Muqdsiho (Bnn) Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa ka hadley doorashadii maalintii shalay ka dhacdey magaalda garoowe ee xarunta Puntland, waxaana uu u hanbalyeeyey Afhayeenka cusub ee la doortey Siciid Xasan Shire iyo ku xigeenadiisa, War saxaafadda la gaarsiiyey oo ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa loo dhigey sidan:

War-saxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si weyn u soo dhoweeyay doorashadii guddoonka Baarlamaanka Puntland ee shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Garowe ee xarunta u ah dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay doorashadaasi mid u dhacday si huffan oo ku dayasho mudan.

“Waxaan si weyn ugu hambalyaynayaa dhamaan xubnaha baarlamanka Puntland iyo gudoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Mudane Siciid Xasan Shire, guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha wakiillada Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Xuseen Yaasiin Diiriye. Waxaan dhamaantood u rajaynayaa in uu ilaahay u fududeeyo mas’uuliyadaasi loo doortay, iyaguna ay kasoo dhalaalaan xilkaasi ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.”

“Si dhow ayaan ula socday doorashadii guddoonka Baarlamanka Puntland ee shalay la soo gaba gabeeyay, waxay ahayd doorasho taariikhi ah oo muujisay bisaylka siyaasadeed ee Puntland ay ku talaabsatay oo tusaale wasaangsan u ah dhismaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo intaasi sii raaciyay in ay tahay wax lagu faani karo, cadeyna u ah horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay u baahan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey doorashada madaxweyne-nimada ee dhowaan la qaban doono in ay ku dhamaato hannaan dimoqraadiyadeed oo raali laga wada yahay.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 26 January 2014 15:14
Monday, 23 September 2013 23:50
Thursday, 05 December 2013 14:48
Friday, 02 August 2013 06:12
Thursday, 24 April 2014 07:53
Wednesday, 07 August 2013 10:51
Sunday, 01 December 2013 16:56
Wednesday, 05 February 2014 11:54
Friday, 15 November 2013 19:29
Tuesday, 08 October 2013 01:29