Isbadal Lagu Sameyn Doono Sharciga Socdaalka Ee Soogalootiga Dalka Sweden ,Fududeyn Doonana Mideynta Qoysas Soomaali Kala Xayirna

hoe06-01-2014 Stockholm (Bnn) Dowlada Sweden ayaa diyaarinaysa isbedelo cusub oo lagu samaynayo sharciga migrationsverket socdaalka khaasatan arimaha la xiriira mideynta reeraha iyo baasaboorka loo yaqaan Främlingspass-ka sida uu wargeyska Riksdag & Departement. Danaha caruurta ayaa la sheegay in muhiimada ugu weyn la siin doono.

Isbedalada cusub ayaa waxaa ugu muhiimsan in meesha laga saari doono shuruud culus oo ahayd in qofka doonaya in lala mideeyo caruurtiisa ama xaaskiisa uu wadanka dibadiisa ka soo dalbado sharciga. Haddii qofkaas uu wadanka soo galo ayaa horay diidmo loo siinayay oo lagu amrayay in uu sharciga dibada ka soo dalbado.

Isbedalka cusub ayaa lagu sheegay in haddii ay cadahay in qofkaas uu sharci ka heli karo Sweden aan loo baahnayn in uu wadanka ka baxo. Sababta isbedalka ayaa lagu sheegay in aysan habooneyn in la kala qeybiyo waalidka iyo caruurta isla markaana ay isdhexgalka u wanaagsantahay in uusan qofku wadanka ka bixin.

Dhinaca kale, waxaa waalidiinta caruurta kaligood yimaada loo fududeyn doonaa sharciga. Waalidka caruurtiisa ay sweden kaligood yimaadeen ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa DNA si loo cadeeyo xiriirkooda oo ay dowlada lacagta bixin doonto.

Ugu dambeyntii, qofka loo diido baasaboorka Främlingpass-ka ayaa fursad loo siin doonaa in uu maxkamad racfaan ka qaato, arintaas oo hada aan macquul ahayn.

Isbedalada cusub ayaa la filayaa in ay dhaqan galaan bisha July 1 sanadka 2015.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 13 April 2014 15:16
Monday, 13 January 2014 11:15
Saturday, 08 March 2014 22:59
Saturday, 14 December 2013 13:01
Thursday, 15 May 2014 14:50
Tuesday, 08 April 2014 12:57
Wednesday, 12 March 2014 19:47
Thursday, 17 October 2013 19:49
Sunday, 22 September 2013 13:18
Monday, 30 December 2013 12:46