Kiiniya Oo Sheegtay In Si Gaadmo Ah Diyaaradaheeda Dagaalku Ku Weerareen Saldhig Alshabaab Ku Leedahay Garbahaaray Dishayna Saraakiil Iyo Ciidan Tiradooda....

kiiniyaiarforce10-01-2013 (BNN) Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah oo ay shalay ka fuliyeen qaybo ka tirsan gobolk Gedo ay ku dileen ku dhowaad 30 hogjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya, oo magaciisa la yidhaahdo Col Cyrus Oguna  ayaa u sheegay warbaahinta  ee ku taalla Kenya in xog ay ciidamada Kenya heleen ay muujineysay in shir muhiim ah ay Al-Shabaab ku lahayd goobta la duqeeyay.
Sarkaalka ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in weerarkaas xubnaha uga geeriyooday Al-Shabaab ay ku jiraan kooxo ajaanib ah iyo in ay sidoo kale ku dhaawacmeen tiro aad u badan oo meleeshiyo ah.
Wuxuu tilmaamay in ay ku howlan yihiin sidii ay ku heli lahaayeen magacyada iyo dhalashada xubnihii lagu dilay weerarka oo ka dhacay agagaarka magaalada Garbahaarrey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aaddan weerarkaas, balse qaar ka tirsan dadka ku nool Garbahaarrey ayaa  sheegay in diyaarado ay weerareen saldhig ay Al-Shabaab ku leedahay deegaan u dhow Garbaaharrey.Alshabaab ayaa wali ka hadlin jabka lasheegay in uu soo gaadhay.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 06 January 2014 08:23
Thursday, 03 July 2014 15:29
Tuesday, 28 January 2014 00:29
Saturday, 31 May 2014 13:55
Tuesday, 25 February 2014 15:22
Friday, 31 January 2014 01:13
Sunday, 22 September 2013 12:54
Wednesday, 11 September 2013 18:06
Wednesday, 26 February 2014 08:37
Friday, 01 November 2013 21:06