Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Ka Dhexqarxay Labo Beelood Oo Kasoo Kala Jeeda Somaliland Iyo Khaatumostate Iyo Somaliland Oo La Sheegayo In ..DHAGAYSO WARAYSI

dagaalbaadiye12-01-2013 (BNN) Faah Faahin Dheeraad Ah Ayaa waxay Kasoo Baxaysaa  iska hor imaad hubaysan kaasi u dhexeeya Beesha Jaamac Siyaad Ee (Dhulbahte)  iyo  Beesha Sacad Yoonis  Ee (Isaaq) islamarkaan Dhacay Maanta  & Xalay.
Deegaanada Udhexeeya  Magaalada Guumays  &   Oog  Ayaa Ay Ka Dhaceen Iska Hor Imaadkani, Waxaana Iska Soo Daba Dhacaya Khasaraha  Gaadhay Labada Dhinac.
Boramanews International oo  Ilaa Saaka Gelinkii Hore Ku Howlaynayd Xaqiijinta Khasaaraha Dhabta Ah,  
Dhimashada Haatan La Xaqiijiyey Labada Dhinac Ayaa Waxay Kala Yihin (5 Ruux)  Kuwaasi oo 3 Kamid Ah Ay Kasoo Jeedaan Beesha Sacad Yoonis,(Isaaq)  Halka Labada Kalana Ay Kasoo Jeedaan Beesha Jaamac Siyaad.(Dhulbahante)
Xiisadan Ayaa Wali Kacsan, Waxaa yaraaday isu Socodka Gaadiidka ee Gobolada Sool & Togdheer,  Waxaana  Jirta Cabsi Ku Aadan In Dagaalo kale Ay Dhacaan, Iyadoona aysan jirin dad dhexdhexaadiya oo u gurmada.
Dhanka kale Wasiirka gaashaandhiga Somaliland ayaa horjoogayaasha ciidanka Somaliland ee aagaas fariin cad u diray oo sheegay in aysan ku degdegin kala dhexgal ama dhinac usafasho dagaalka ka dhexqarxay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanadaasi.Sobobtoo lagu sheegay somaliland oo iska ilaalinaysa ceebtii ka raacday dagaalkii kalshaale oo beesha Siilaanyo isticmaashay ciidamadii Somaliland oo la dagaal galay si ay u qabsadaan barkado iyo deegaan beesha  Buuhoodle iska lahayd taasi oo sii  xoogaysay isnacayb ka beelaha walaalaha ah ee deeganadaasi wada degan.

Lama oga sida loo qaboojin doono dagaalkani haddana ka dhexqarxay labada beelood ee ka soo kala jeeda beelaha Khaatumostate iyo beesha isaaq ee Somaliland.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Isha ku hay Boramanews wixii kasoo kordha

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 13 October 2013 22:12
Friday, 25 October 2013 12:16
Tuesday, 11 March 2014 22:08
Friday, 31 January 2014 09:24
Saturday, 08 March 2014 00:03
Saturday, 30 November 2013 20:18
Friday, 14 February 2014 17:09
Saturday, 25 January 2014 13:52
Sunday, 13 April 2014 21:33
Monday, 20 January 2014 16:48