BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

JIGJIGA:Wafti Uu Hogaaminayo Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi Oo Gaadhay Caasimada Kililka Shanaad Ee Jigjiga

ugaaska_jigjig12-01-2013 (BNN) Ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi ayaa gaadhay magaalada Jigjiga ee caasimada Kililka shanaad,Ugaaska waxaa madaarka wiilwaal kaga horyimiday oo soo dhaweeyay boqolaal shacabka ku dhaqan deegaanadaasi,waxaana goobta Vip ee Madaarka kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Itoobiya iyo tan ismaamulka kililka Shanaad.

Waftiga Ugaaska Waxaa la socday oo dalka Ingiriiska kasii raacay qaar ka tirsan jaaliyada gobolka Harowo,waxaana inta ay joogaan gobolkaasi wax kasoo qaban doonaan mashaariic dhowr ah oo khuseeya xaga horumarinta deegaankaasi,Waxaana la rajaynyaa in dhawaan dawlada Itoobiya ku dhawaaqdo gobolka cusub ee Harowo.

 

Cali Maxamed

Jigjiga/Boramanews

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 08 August 2013 10:29
Wednesday, 05 February 2014 03:59
Wednesday, 21 August 2013 19:10
Thursday, 12 September 2013 09:02
Friday, 24 January 2014 10:23
Sunday, 02 March 2014 16:28
Wednesday, 26 February 2014 08:06
Sunday, 27 April 2014 12:27
Thursday, 08 August 2013 22:48
Saturday, 09 August 2014 12:09