MUQDISHO:Warar Kasoo Baxaya Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Somaliland Oo Ku Hardamaya Magaalada Muqdisho Sidii Ay Uga Mid Noqon Lahaayeen Dawlada Cusub

w13-01-2013 (BNN) Warar naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu ka socdo is hirdi balaadhan magaalada Muqdisho oo uu u  dhexeeyo siyaasiyiin tiro badan oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi (Somaliland) ee aaminsan midnimada Somaliya.

Siyaasiyiintani ayaa la sheegayaa in ay u kala ordayaan jagada Raysalwasaare ku xigeen iyo wasiirka arimaha dibada Somaliya qofkii ku fadhiisan lahaa.

Maalmahani waxaa si wayn usoo shaacbaxay oo la hadalhayaa in Yuusuf Maxamed Kaahin (Yusuf Gaydh) oo tartanka meel adag kaga jiro,si wayna u quudaraynayo in loo magacaabo xil golaha wasiirada Somaliya,balse markaliya ayaa la sheegayaa in isbadal ku yimiday siyaasigaasi oo uu u duulay magaalada Hargeysa,lama oga ayaa la yidhi in uu dadkiisa lasoo tashanayo iyo in uu ka tanaasulay,balse waxaa dadaalkiisa ka hadhin oo hadh iyo habeen u taagan in mar uun uu ku guulaysto Jaamac Axmed Maxamud (Jamac oday) oo isku wada in uu noqdo Raysalwasaare ku xigeen isla markaana wasiir laga dhigo

Jaamac oday ayaa la sheegayaa in uu garab iyo gaashaan ka haysto rag siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay Maxamud Cabdilaahi Jamac (Sifir) oo horay uga soo macaashay siyaasada koonfurta,isla markaana imika wakiil somaliland uga ah magaalada Nairobi.

Dr Sifir ayaa la sheegayaa in uu cilaaqaad saaxiibtinimo oo dhow laleeyahay raysalwasaaraha cusub ee Somaliya Cabdiwali,wuxuuna tartan kula jiraan koox huwan ah oo uu ka mid yahay Yusuf Carab oo mar ahaa wasiirka gaashindhiga ee sh.shariif ,Foosiya Yusuf xaaji aadan iyo Buubaa oo isku dhinac ah.

Iyadoo barlamanka Somaliya uu 14ka bishani cod u qaadi doono in xukuumadii hore ee saacid lagu soo dari karo golaha wasiirada ee dhawaan lagu dhawaaqi doono iyo inkale ayaa hadana ay si wayn u muuqataa beelaha Hargeysa ee ku tartamaya mansabyada dalka Somaliya.

Dhanka kale waxaa si wayn loo hadalhayaa in xil loo dhiibo oo golaha wasiirada soo galo Dr Cabdiraxman Bayle oo ah khabiir dhaqaale yahan ah oo mudo dheer kasoo shaqeeyay bangiyada caalamka iyo hay,adaha qaramada midoobay.Dr Cabdiraxman Bayle oo haysta shahadada PHD  ayaa si wayn looga yaqaanaa wadamo badan,wuxuuna kasoo jeedaa Gobolka Awdal.

Lama oga shaqsiyaadka ku guulaysan doona in ay ka mid noqdaan golaha wasiirada ee dawlada taagta daran ee Somaliya.

Boramanews Office
Muqdisho

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 02 April 2014 12:25
Monday, 03 March 2014 14:11
Wednesday, 14 May 2014 03:56
Friday, 02 May 2014 16:39
Monday, 28 July 2014 13:55
Tuesday, 27 May 2014 15:13
Friday, 29 November 2013 19:51
Tuesday, 10 June 2014 16:36
Wednesday, 04 September 2013 18:06
Saturday, 11 January 2014 13:37