HARGEYSA:Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Naxsaday Muuse Biixi Iyo Musharixiinta Kale ee Xisbigiisa Kulmiye Kadib Markii Uu Si Cad U Cadeeyay Damaciisa Siyaasadeed


siilaanyo0113-01-2014 (BNN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta markii ugu horaysay ku siilaadhawaaqay in uu u taagan yahay Musharaxnimada Doorashada Madaxtinimada ee shanta sano ee soo socota isagoo sheegay in uu yahay Madaxweynaha Qaranka isla markaana ka mid ah fulinta Kulmiye.
“Xisbiga Kulmiye xubin ka mid ah baan ahay, fulintaan ahay, Madaxda Xisbigaan ka mid ahay, Madaxweynaha Qarankaan ahay, wax iga hor istaagi kara inaan Xisbiga Kulmiye iska soo sharaxo ma jirto” waxa uu sidaas ku sheegay Madaxweyne Siilaanyo su’aal la weydiiyey maanta markii uu Dalka ku soo laabtay.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay isagoo mar kale ka jawaabaya su’aal ahayd dibu-dhigistii shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland in uu Ayid san yahay oo ay dib u dhigeen “ arrintaasi waa sida uu Madaxweyne ku-xigeenku u sheegay waanan ku raacsanahay” ayuu yidhi
Siilaanyo mar uu ka jawaabayey su’aal la weydiiyey oo ahayd in Mucaaradku mar kasta oo ay hadlayaan ku hal-qabsadaan talada Dalku inaanay gacanta ugu jirin waxaanu kaga jawaabay “ waa beentooda, anigu waxaan qabaa in ay gacantayda ku jirto, Somaliland anigay I dooratay oo Madxaweynihii Qaranka ahe oo waanigaa idin hor taagan ee shirarka u tagaya ee dibeda u baxaya ee Caafimaadka qaba’e idinka aan idin weydiiye yay ku jirtaa” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta Dalka ku soo laabtay ayaa ka hor intii aanu su’aalahaas oo xiiso badnaa uga jawaabin warbaahinta waxa uu ka waramay kulankii uu Dalka Itoobiya kula soo yeeshay Raysal Wasaare Haile Deselegn, isagoo sheegay in ay isku af-garteen isticmaalka Dekedda Berbera, dhismaha jiadadka u dhaxeeya labada Dal, Isticmaalka Korontada Dalkaasi iyo Nabadgelyada Mandaqada sidii looga wada shaqayn lahaa.
Si kasta ha ahaatee weedhaha Madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabay su’aalaha khuseeya Musharaxnimadiisa, dibu-dhigista Shirka Kulmiye iyo talada Dalka cida gacanta ku haysa waxa ay u quus goynaysaa Rag badan oo saaxadda siyaasadda ku loolamayey kuwaas oo bud-dhig damacooda uga dhigi jiray inaanu Madaxweyne Siilaanyo diyaar u ahayn isla markaana ay iyagu u taagan yihiin jagada hogaanka dalka.
Hargeysa
 
 

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 23 December 2013 19:04
Saturday, 09 November 2013 04:15
Tuesday, 27 August 2013 18:42
Monday, 24 March 2014 22:49
Monday, 27 January 2014 13:01
Saturday, 22 March 2014 11:17
Saturday, 30 November 2013 22:02
Saturday, 30 November 2013 13:01
Tuesday, 22 April 2014 16:00
Tuesday, 18 March 2014 22:24