BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Dagaal Beeleed Ka Qarxay Deegaanka Oog Iyo Docosha Iyo Dadaal Lagu Qaboojinayo Oo Socda

dagaalbeeleed13-01-2013 (BNN) Warar maanta naga soo gaadhaya deegaanka Docosha iyo Oog oo dagaal ku dhexmaray labo beelood oo wada dega deegaankaasi ayaa sheegaya in xaaladu ay qabowday isla markaana labada beeloodba ay joojiyeen weeraradii ay isku hayeen.Beelaha Sacad Yoonis (Isaaq) iyo Jaamac Siyaad (Dhulbahante)  ayaa labaduba sameeyay is urursi balaadhan oo ciidamo beeleedkoogu soo buuxdhaafiyeen aagaga ay isku horfadhiyaan.Inkastoo ilaa xalay wax dagaal ahi dhicin ayaa waxaa lasoo warinayaa in labada dhinac lagalay dhexdhexaadintooda ,isla markaana  waxaa socda dadaal ay wadaan siyaasiyiin labada beelood ka soo jeeda iyo wasiirka arimaha gudaha Somaliland Mudane Warancade uu  ka hawlgalay dagaalkani ka dhexqarxay beelaha walaalaha ah ee wadadegan.

Dagaalkani labada beelood ayaa galaaftay nolosha ilaa 5qof 9 qofna dhaawac kasoo gaadhay kuwaasi oo qaarkood loo qaaday magaalada caynaba si loogu daweeyo dhaawacooga.


Wixii war ah ee dhacdadaasi kasoo kordha isha ku hay Boramanews Internanional

Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 25 February 2014 20:52
Sunday, 30 March 2014 19:09
Friday, 01 November 2013 20:54
Sunday, 15 September 2013 23:50
Monday, 09 December 2013 21:30
Friday, 20 December 2013 06:40
Wednesday, 26 March 2014 08:25
Friday, 22 November 2013 09:03
Sunday, 08 September 2013 19:14
Tuesday, 26 August 2014 16:33