HADALKII SIILAANYO EE SHALEY WAA DHURWAA DHARAAR ''CIYAY''

siilaanyo01Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa  bahda saxaafada ''asc' Ka dib shaley oo bishu  aheyd /13-01-2014 / waxa  xarunta Itoobiya  ka soo  noqday  Oday  siilaanyo  oo  dadka  u  sheegay  in uu  casuumad  ka  heley  ATO  haile maryam desiegle raysal wasaaraha  Dowlada Itoobiya.
Hadaba  iyada oo  uu  beryahanba  dalka  iyo  xisbigii  doortayba  uu  mushkulad weyn  ku  hayey  ayaa  waxa  uu  todobaadkii  hore  cadaystey  in  uu  si  toos  ah  u  fara galiyo  xisbiga  kulmiye  taladiisiina  maroorsado  ka  dib  markii  uu madaxweyne  ku  xigeenkiisa  iyo  xubno  wasiiradiisa  ah  ku  amrey  in  ay  shirka  joojiyaan  oo  si  toos  ah  u  fara  galiyaan, isagoo  isticmaalaaya  awooda  qaranka  si  aan  dastuuri  aheyn.
Waa  iska  dhaqan  ay  somalidu  iska  leedahey  in  qofku  maalinta  uu  is  mahadiyo  ee  tiisa  gaadho  in aanu  cid  kale  qiimo  iyo  qadarin  u  yeelin, balse  waxa  taasi  ka  sii  daran  markii  uu  shaley  isla  soo  taagey  amaan  iyo  faan  iyo  hanjabaad  garoonka diyaaradaha  ee  Hargeysa  isagoo  aad  isu  mahadiyey  isna  leh  malaha  maanta  cidna  uma  baahnid. 
Waxaa  is  weydiin  leh  ninka  laba  sanno  ku  fashilmey  maanta  ma  odhan  karaa  waxaan  aheyn  murashax?  aniga  waxaan  ku  jawaabi  lahaa  maya.
Sababtoo  ah  waa cadaan  in  siilaanyo  uu  guuldareystey,  xaga  siyaasada  waliba  waqti  yar  oo  kooban  mana  suuro  galeyso  in  uu  siilaanyo  ummada  sii  hor  joogo  waayo,  sina  kuma  sii  hor  joogi  karo  hadaanu  u  jeedin  qas  iyo  in  uu dagaal  sokeeyey  dalka  ka  abuuro, taasina  ma  jirto  cid  isaga  uga  awood  xun.
Waxa  la  yidhi  ama  afeefe  hore  lahow  ama  adkeysi  danbe  siilaanyo  maanta  abaal  uu dalka  iyo  dadka  gashadey  ma  jirto  ee  waxa  uu  noqday  nin  qabiil, waxaana  maanta  ka  soo  baxaaya  ficilo  xun  xun  oo  runtii  aad  is  odhaneyso  ninkan  waxa  uu  ku  jiraa  dagaal aargoosi  oo  kale  ah  habka  uu  u  dhaqmaayo marka aad  eegto.
Waxaa  hubaal  ah  in  siilaanyo  uu  durtaba  lumiyey  kalsoonidii  shacabkii  doortey  ee  waxaan  kula  talin  lahaa  intaanu  fool  xumo  iyo  taariikh  xumo  meesha  u  soo  jiidin  in  uu  iska  ilaawo  damaca  xun  ee  ay  dad  kale  kula  talinayaan  hadii  kale  waxa  uu  ka  hello  cidna  yaanu  wax  ka  siin, waxan  ka  mid  noqon  doonaa  kuwa  siilaanyo   xilkii  ummadu  u  dhiibatey  dib  uga  qaadi  doona, haduu  eebo  idimo.
Qore: Tahir hussein/ london,uk

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 10 March 2014 10:30
Saturday, 09 November 2013 20:00
Sunday, 13 October 2013 11:52
Tuesday, 11 March 2014 18:25
Thursday, 05 September 2013 03:00
Tuesday, 04 February 2014 18:53
Sunday, 22 September 2013 03:39
Tuesday, 04 March 2014 07:38
Monday, 02 December 2013 18:54
Thursday, 26 December 2013 14:51