BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

MARAYKANKA:Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliya Jeneral Samatar Oo Ku Guuldaraystay Racfaan Uu Ka Qaatay Dacwad Lagu Soo Oogay

ali_samatar13-01-2013 (BNN) Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya S/Guud Maxamed Cali Samatar ayeey u diidday maxkamadda sarre ee dalka Mareykanka Racfaan uu ka qaatay in aan loo qabsan karin dacwado ka dhan ahaa isaga oo muddo sideed sanno socday.
Maxamed Cali Samatar  oo Soomaaliya ka soo noqday madaxweyne ku xigeenkii dowladda Dhexe ee Soomaailya, Ra’iisul wasaare iyo taliyaha guud ee ciidammada Qalabka Sida ayaa sannadkii 2004-tii waxaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidhay in uu geystay dambiyo bini’aadannimada ka dhan ah,  taasi oo ay qaaday maxkamad Mareykanka ku taalla, gaar ahaan gobolka Virginia.
Dacwadda waxaa soo gudbiyey dad Soomaali ah,oo kasoo jeeda Somaliland . Maxamed Cali Samatar ayaa qaatay racfaan, hasa yeeshee Maxkamadda gobolka Virginia ayaa diidday in uu iska difaaci karo arrintaasi, sida lagu qoray maanta Wakaaladda Wararka AP ee dalka Mareykanka.
Maxkamadda ma aysan shaacin in dib loo furayo dacwadda Maxamed Cali Samatar. iyadoo u jeedada ay tahay in uu bixiyo lacag ay maxkamadda ku xukuntay oo gaadheysa 21 Million oo Dollar, si loo siiyo qoysaskii dacwadda u hestay.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 11 January 2014 10:51
Monday, 05 May 2014 19:16
Wednesday, 29 January 2014 23:05
Saturday, 26 October 2013 04:36
Sunday, 27 October 2013 04:53
Thursday, 17 July 2014 16:14
Wednesday, 21 August 2013 03:36
Sunday, 06 April 2014 20:50
Monday, 28 April 2014 21:08
Sunday, 06 July 2014 13:00