BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Cali Khaliif Galeydh "Xasan Sheekh Waxaan ku Tilmaami Karaa inuu ka Daran yahay Maxamed Siyaad Barre.. "

cali_khalif214-01-2014 Muqdisho (Bnn) Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah kuwa lagu tiriyo inay siyaasadoodu ka fog tahay madaxtooyada Soomaaliya ayaa saaka weerar kale ku qaaday habdhaqanka madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka hogaaminta dalka.

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu ka sii daran yahay go’aamadiisa iyo xukun isku ururintiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare, taasi oo ka dhigeysa in dowladnimada ay dhaqaaqi weyso.

” Xasan Sheekh waxaan ku tilmaami karaa inuu ka daran yahay Maxamed Siyaad Barre, balse waxa kaliya oo ay ku kala duwan yihiin waa inuusan ciidankii xooga badnaa heysan” ayuu yiri Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inuu magacaabista wasiirada ku hayo farogelin weyn oo baalmarsan sharciga dalka u yaal, isagoona si gaar ah uga hadlay inuu wado wasiiro markii horeynba iyaga xukuumadii ay ku jireen u riday inay fashilmeyn.

” Xukuumadda cusub waxa ay ka dhismi ladahay waa Madaxweynaha oo raba inuu soo celiyo wasiiro horey u sheegtay inay xukuumadoodii fashilantay, haddana raba in xukuumada cusub soo galaan, taasi oo yaabkeeda leh ayaa haddana waxaa muuqata in awooda magacaabista mas’uulkii lahaa loo deyn oo lagu heysto” ayuu yiri Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr.

Hadalka Cali Khaliif waxaa uu imaanaya xilli maalinta bari ah loo ballansan yahay motion horyaala baarlamaanka kaasi oo laga keenay wasiiradii xukuumaddii Saacid Farax ka tirsanaa oo haddana raba inay soo noqdaan.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 13 October 2013 11:58
Thursday, 10 October 2013 00:12
Friday, 14 March 2014 19:10
Monday, 04 November 2013 11:17
Tuesday, 03 June 2014 14:56
Wednesday, 08 January 2014 12:35
Tuesday, 07 January 2014 09:50
Monday, 24 March 2014 11:25
Thursday, 10 July 2014 14:21
Sunday, 20 October 2013 04:58