BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Dr Cabdiwali Gaas Oo Maanta Si Rasmiya Xilka Ugala Wareegay Madaxweynihii Hore Faroole (SAWIRO)

P114-01-2013 (BNN) Waxa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay Xilka madaxweynaha Cusub ee Puntland iyadoo xaflad saaka ka dhacday xarunta madaxtooyada Puntland uu si rasmi ah ugu wareejiyay xilkii madaxweynihii hore Puntland Dr Faroole madaxweynaha Cusub Prof Gaas.

Xafladaas waxa ku sugnaa xubno badan oo ka tirsanaa xukuumadii hore ee Puntland, madaxweyne ku xigeenkii hore iyo  kan cusub, taliye yaasha ciidamada sida Badda iyo beriga, iyo weliba marti sharaf kale oo badan.
Waxaa halkaas ka hadlay madaxweynihii hore ee Puntland Dr C/raxmaan Faroole, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay xil wareejintan, waxaanu amaanay madaxweynaha cusub ee xilka kala wareegaya oo uu ku tilmaamay nin karti iyo aqoonba u leh xilka loo magacaabay islamarkaana uu filayo in uu si wanaagsan uga soo baxo xilka loo doortay.
Madaxweynaha Cusub Prof C/wali Gaas ayaa isna hadlay waxaana uu ku amaanay madaxweynihii ka horeeyay nin ka shaqeeyay dalka waxweyn oo aan la koobi karinna qabtay, isagoo sheegay in uu rajeynayo in qacmaha la isqabsado oo uu isagu wada shaqeyn diyaar u yahay.

P7P6

 P1P2P4P4P5

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 26 May 2014 06:14
Monday, 28 April 2014 17:58
Friday, 24 January 2014 11:06
Monday, 04 August 2014 12:00
Wednesday, 08 January 2014 12:35
Wednesday, 29 January 2014 11:57
Monday, 21 July 2014 17:04
Wednesday, 16 October 2013 22:39
Friday, 09 May 2014 02:22
Thursday, 08 May 2014 04:15