BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Maxkamad Ku Taala Dalka Maraykanka Oo Lasoo Taagay Askar Maraykan Ah Oo Idkuyay In Uu Ku Biiro Kooxda Alshabaab Ee Ka Dagaalanta Somaliya

craig14-01-2013 (BNN) Askari hore oo ka tirsanaa ciidamada Sirdoonka ee dalka Mareykanka ayaa maxkamad ku taalla magaalada Baltimore ee gobolka Maryland waxay ku xukuntay toddobo sano oo xabsi ah, kaddib markii uu isku dayay in uu ku biiro Al-Shabaab.
Askarig aoo lagu magacaabo Craig Benedict Baxam oo ay da’diisu tahay 26 jir ayaa wuxuu qirtay dembi la xidhiidha in uu burburiyay Computer-kiisa isagoo doonayay in uu daboolo raadraac in lagu sameeyo qorshihiisa ka hor inta uusan u duulin Afrika si uu ugu biiro Al-Shabaab.
Xafiiska xeer-ilaaliyaha dalka Mareykanka ayaa ku dooday in Craig Benedict Baxam uu doonayay in uu Al-Shabaab u dagaallamo, taasoo uu sheegay in ay dembi tahay.
Xeer-ilaaliyeyaasha maxkamadda federaalka ee dalka Mareykanka ayaa markii hore Baxam waxay ku eedeeyeen in uu isku dayay taageero in uu u fiidiyo Al-Shabaab.
Craig Benedict Baxam ayaa ka tagay ciidamada sirdoonka ee dalka Maraykanka sanadkii 2011-kii.
Saraakiisha dalka Kenya  ayaa qabtay Baxam bishii December ee sanadkii 2011-kii isagoo ku socday safar dhinaca dhulka ah, kuna sii jeeday Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka ayaa Al-Shabaab ku dartay liiska kooxaha argagixisada ah sanadkii 2008.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 31 December 2013 15:23
Thursday, 04 September 2014 21:52
Sunday, 06 October 2013 18:12
Sunday, 12 January 2014 23:05
Monday, 16 September 2013 07:48
Tuesday, 19 November 2013 06:11
Tuesday, 22 July 2014 13:37
Sunday, 17 November 2013 12:32
Wednesday, 28 May 2014 20:05
Thursday, 31 July 2014 10:51