BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

HAREGYSA:Nin Ka Cadhaysan Hees Uu Sameeyay Xildhibaan Jaamac Axmed Riyo Oo Shaah Dusha Uga Shubay Xildhibaanka Gudaha Golaha Guurtida Dhexdeeda

riyo14-01-2013 (BNN) Nin Xildhibaan Jaamac Axmed  Riyo shaah kulul ku weeraray xarunta Golaha wakiilaada dhexdeeda,ninkan oo shsaha ka soo iibsaday maqaaxi ku dhex taala xarunta Golaha ayaa xildhibaanka kala hortay shaah kulul oo dusha kaga shubay.
Xildhibaanka  may soo gaadhin wax dhaawac ah oo gubasho ah marka laga reebo kulaylkii shaaha  oo si ba,an ugu rogmaday dushiisa .
Ninkani shaaha dusha ugashubay xildhibaanka ayaa sobob weerarkiisa uga dhigay inuu ka xanaaqsan yahay hees uu Xildhibaanku sameeyay oo uu ku duray Madaxweyne Siilaanyo. wararka qaarna waxa ay  sheegayaan in uu yahay nin isku jufo yihiin Madaxweyne Siilaanyo,balse lama sheegin in laga soo abaabulay madaxtooyada iyo in uu iskiis uu weerarka u gaystay.
Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee xildhibaan weerar loo gaaysto iyadoo dhawr bilood ka hor uu isku day dil ka bad baaday xildhibaan Qabiile,Weerarkani ugu dambeeyayna waxa uu muujinayaa sida ay xukuumada Siilaanyo u diidan tahay xoriyada iyo ra,yiga qofka ku nool Somaliland oo loo adeegsado dhalinyaro waxoogaa dhaqaale ah loo daadiyay fartana loogu fiiqo shaqsiyaadka wadaniga ah ee ka gilgisha foolxumada maamulka Siilaanyo oo gacanta u galay dad aan shacabka Somaliland Soo Dooran.
Cabdiraxman X.Xasan (Suul) 
Hargeysa/Hargeysa

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 02 February 2014 00:22
Thursday, 24 April 2014 05:33
Friday, 29 November 2013 06:25
Monday, 23 December 2013 20:55
Tuesday, 22 July 2014 10:42
Wednesday, 07 May 2014 05:15
Saturday, 24 May 2014 13:34
Monday, 20 January 2014 06:14
Monday, 04 August 2014 10:22
Sunday, 25 August 2013 14:09