DJIBOUTI:Xoogaga Amaanka Dalka Jabuuti Oo Xoog Ku Kala Dareeriyay Mucaaridka USN Oo Xus Lahaa Iyo Hogaamiyayaashii Ururka Oo Xabsiga La Dhigay

Djibouti-Police-21a_116-01-2013 (BNN) Waxa maanta xabsiga  loo taxaabey  guud ahaan Madaxdi Dalada Mucaaradka Jabuuti (USN-ta) oo is-kugu soo baxey xuska dhalashada dalada USN-ta  oo ku beegan Maanta ay Taarikhdu tahey 16 01 2013-156 01 2014 , hase ahaatee waxa isku gadaamey ama aad loo soo buux-dhaafshey madashii  la isku balansadey Ciidanka Nabad Sugidda(POLICE) si loo kala` ka xeeyo Dadweynaha taageerA USN-ta oo  isku soo baxey 
Kadib goorti ay soo gadheen madaxda USN-ta goobti lagu  xusaayey  waxa qaadey ciidan Booliska  waxaana loo taxaabey xabsi Boolis oo  ku yaal Nagaadh, xilliga ay goorsheegtu ku abaarneyd 09,00 subaxnimo 
Kadibna waxa halka ka bilaamey qabqabasho ay kula kaceen Ciidanka Boolisku taageerayaasha USN,  waxaana arintaa ka dhashey isku dhac ay ku dhaawacmeen dad aad u tiro badan oo ahaa guud ahaantood  taageerayaasha USN  oo uu ka mid ahaa Garyaqaan (lawyer) Jaamac Amareh Meydal  waxa uuna ahaa ninkii hogaaminaayey wafdigi USN-tu u dirtey Addis Ababa 2 bilood ka hor si ay uga wargaliyaan codsi ay Dalada Mucaaradku  kaga dalbaneysey Ururka Midowga Afrika in ay soo kala  dhexgasho USN-ta iyo Xuumadda Jabuut oo wali ka dhex jiro khilaafk ka dhashey  Doorashadi Baarlaan ee dhacdey 22 02 2013
Waxa k mid ah  madax loo taxaabey Jeelka
Ismaciil Geedi Xareed
Axmed Yuusuf
Daahir Axmed Faraax
Cumar Cilmi Kheyre
Cabduraxmaan TX
Booliiska ayaa ka dhawaajiyay in ay xaaladu degan tahay isla markaana waxaa la sheegayaa in kabadan 70 qof la qabtay oo lageeyay xabsiga Nagaadh ee booliisku ku xidhaan dadka ay qabtaan intaan lasoo saarin wax maxkamada.War imi nasoo gaadhayana waxa uu sheegayaa in dadkii la xidhay qaraabadoodu qado ay u geeyeen ay Booliisku u diideen in ay gaadhsiiyaan dadkaasi.wali dawladu kama hadlin eedayntaasi.
Amed Rayaale
Boramanews/Djibouti

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 07 August 2014 19:55
Thursday, 22 May 2014 15:05
Sunday, 02 February 2014 00:22
Tuesday, 26 August 2014 18:00
Saturday, 04 January 2014 16:58
Friday, 18 October 2013 11:42
Sunday, 26 October 2014 09:45
Sunday, 22 September 2013 03:51
Saturday, 07 December 2013 20:02
Monday, 04 August 2014 09:07