BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BORAMANEWS:WAA KUMA WASIIRKA ARIMAHA DIBADA IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA AH EE SOMALIYA DR CABDIRAXMAN BAYLE (WARBXIN+VIDEO)

DR_BAYLE17-01-2014 Muqdisho (Bnn)Dr. Abdirahman Beyle oo Ah Aqoon yahan khibrad sare leh oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibada ee dawlada soomaaliya Dr Abdirahman Beyle Oo Ahaa Maamulaha African Bank oo Xafiiskiisu ahaa Tunis ayaa noqday ku guulaystay xilka wasiirka arrimaha dibada oo si weyn loogu tartamayay wasiirrada dawladda Abdiweli Sheekh Ahmed.
-
Dr. Beyle ayaa ah khabiir dhinaca dhaqaalaha ka sita shahaadadda PhD, waxana uu waxbarashadiisa sare ku dhammaystay Jaamacadda Maibson University ee dalka Maraykanka. Muddo ka badan 20 sanana waxa uu ka shaqeeyaa African Banka oo maalgeliya dalalka Afrika. Waxanu ka yahay madaxda sare ee hayaddaasi caalamiga ah.

Dr Bayle oo ayaa bulshada Soomaalidu ku amaantaa in uu ilaahay ku manaystay karti iyo hal abuur uu bulshada usoo bandhigo mashaariic ay ka faa,iidaysan karaan.Dr Bayle ayaa lagu xasuustaa Iskoolka wayn ee GEB oo ah mid ay ardayda oo geed hoostiis waxkubarata uu ugu fikiray in haddii bulshadu wax isla qabsato la dhisi karo College wayn oo Boarding ah taasi oo uu ka dhabeeyay iskoolkiina laga dhigay kan ugu casrisan dhulka Soomaalida.Ardaydii waxkabarayana waxay maanta qaarkood ku jiraan jaamacadaha aduunka.

Dr Bayle ayaa badalaya Foosiya Yusuf X.Aadan oo ahayd Raysalwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arimaha dibada Somaliya,waxaana Dr Bayle loogu doortay jagani kartidiisa iyo aqoontiisa.Hoos ka daawo waxyar oo ka mida waxqabadkii bulshada Gobolka Awdal/Salal uu u qabtay.DAAWO DHIIRIGALINTA IYO KALSOONIDA UU KU ABUURAY BULSHADIISA.


AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 05 November 2013 15:52
Tuesday, 04 March 2014 00:21
Friday, 04 October 2013 20:41
Monday, 17 February 2014 10:34
Friday, 08 August 2014 20:26
Wednesday, 05 February 2014 23:25
Monday, 06 January 2014 07:03
Monday, 16 September 2013 09:35
Wednesday, 09 July 2014 14:34
Saturday, 16 August 2014 05:32