DAAWO: Tarsan Oo Ka Cadhooday Xilka Wasiir ku Xigeenka Ciyaaraha iyo Dhalinyrada Ee Loo Magacaabay " Way Ku Mahadsanyihiin Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaruhu ... +VIDEO

tarsan_oo_cadhayso17-01-2014 Muqdisho (Bnn) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa saxaafadda isugu yeeray maanta, waxaana uu caddeyn ka bixiyey Wasiir ku xigeen loo magacaabey habeenkii xalay.

Tarzan ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe mar ay saacaddu ahay 2:00AM in uu ka maqlley raadiyaha magiciisa oo qaldan laakiin Tarzan ay ku jirto in loo magacaabey Wasiir kuxigeen, arrintaas maaha mid la igala tashtay ama aan wax ka ogahay haba yaraatee, diyaar uma ihi in aan Xukuumadda ka miq noqdo, xitaa wasiir iyo Wasiiru dowle ayaanan dooneyn. ayuu yiri Tarzan.

Liiska Wasiir kuxigeenada ayaa waxaa ku jira magaca ah Maxamed Axmed Nuur Tarzan, kaas oo loo magacaabey Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha iyo Dhalinyrada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tarzan magiciisu waa Maxamuud halka uu warqadda rasmiga ugu soo baxay Maxamed, waxase cad in isaga laga wadey sida uu sheegay isaguba.

Tarzan ayaa sanadkii 2012 magiciisu ku jirey Xildhibaanada cusub, kadib markii uu xaqiijistey in Mayorka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu sii ahaanayo ayuu booskii Xildhibaanimada ku wareejiyey Prof. Dufle.

Waxaa la is weydiinayaa magacaabidda aan lagala tashan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay tahay fariin loo diraayo oo ah in xilka uu hadda hayo loo soo wado qof kale?

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 28 November 2013 11:36
Tuesday, 01 July 2014 00:42
Monday, 04 August 2014 10:57
Saturday, 14 September 2013 17:37
Friday, 29 November 2013 20:15
Friday, 18 July 2014 20:12
Friday, 04 April 2014 12:24
Tuesday, 02 September 2014 16:03
Friday, 13 September 2013 03:03
Sunday, 15 September 2013 16:08